U bood dhigaalka

Xil.Saabir Shuuriye: Hadaadan naftaada keeni karin ku taageer maalkaaga kacdoonka shacabka

Sheeko:Amniga

Xildhibaan Cabdi Saabir Shuuriye oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Jmahuuriyadda federaalka ayaa ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay qayb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.

Saabir ayaa ugu horeyn sheegay in ay shacabka ku baraarugeen qorshaha ururka alshabaab, kuwaas oo ku sheegay in ay weerar tooska ku yihiin diintooda, naftooda, hantidoodaba iyo sharaftooda.

“Ummada Soomaaliyeed waxa ay maanta ku baraarugsantahay in Cadowga Alshabaab maanta ay weerar tooska ku yihiin diintooda, naftooda, hantidoodaba iyo sharaftooda,” ayuu yiri xildhibaan Saabir.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada lacagaha ay alshabaab ka qaadaan ay ku dilaan isla ayaga iyo dadkooda.
“Ganacsatada Muqdisho jooga ee canshuur bixiyaha Shabaab ah, waxa ay arkaan in saaka dukaamadii yaryaraa wiilashi iibinayey lagu dhex dilayo iyaga oo aanay jirin cid ay dambi ka galeen aan ka ahayn in ay risaaqad xalaal ah soo raadsadeen kaliya,” ayuu yiri xildhibaan Saabir.
Xildhibaan Cabdi Saabir Shuuriye oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Jmahuuriyadda federaalka, ayaa sidoo kale ganacsatada Muqdisho uga digay in ay bixiyaan lacagaha ay shabaab ka rabaan, taas oo uu ku sheegay in ay dambiga qayb ku leeyihiin.
“Waxa aan si gaar ah warka hoos ugu dhigayaa ganacasatada reer Muqdisho waa in aad ogaataan canshuur Shabaab la siiyaa lagugu dayn maayo ee walaalkaa ayaa lagu dilayaa masuuliyadana waxbaad ka qaadaysaa Aakhiro iyo Adduunba,” ayuu yiri xildhibaan Saabir.

Xildhibaan Cabdi Saabir Shuuriye, ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in ay hadda kaliya dadka u furan tahay in ay naftooda difaacdaan sida uu hadalka u dhigay.
“Haddaba wadada kaliya ee inoo furan waa in aan diinteena iyo nafteena ka difaacano, wax la qaadan karo maahan in wiilal yaryar ay maalin kasta haldoorkiina ku dilaan xarumahiina. subaxa dambana aad u so shaqo tagtaan difaac la’aan sidii in aysan waxba dhicinin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Saabir Shuuriye.
Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay in ay shacabka ay naftooda iyo maalkooda kaga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.
“Hurdada ka kaca Soomaaliyeey waxa loo socdo waa Diinteena, Nafteena, Hantideena iyo Sharafteena guud ahaan ee ma ahan Qabiil, Koox ama Deegaan gaar ah ee hadaadan naftaada keeni karin ku taageer maalkaaga kacdoonka shacabka,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Saabir Shuuriye.

Xildhibaan Cabdi Saabir Shuuriye oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Jmahuuriyadda federaalka, ayaa kamid ah mudanayaasha baarlamaanka ka tirsan ee ku sugan furimaha deegaannada ay dagaalka ka socdaan.
Goobjoog News