U bood dhigaalka

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale: Ciidanka Kenya Kama Soo Baxayaan Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya ahna xildhibaanka laga doorto magaalada Gaarisa Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya aysan ka bixi doonin inta dalka ay joogaan ciidanka AMISOM.

Waxa uu sheegay in ciidamada Kenya loo geeyay Soomaaliya sidii ay shacabka Soomaaliyeed u caawin lahaayeen, islamarkaana ay ula dagaallami lahaayeen Al-shabaab.

Ducaale ayaa tilmaamay in 8-dii bil ee lasoo dhaafay aanay Al-shabaab weerar ka geysan gudaha dalka Kenya, taasi oo uu ku micneeyay inay tahay sida ay ciidamadooda heeganka ugu jiraan, sidaa darteed waxa uu sheegay in Al-shabaab ay billaabeen inay la dagaallamaan ciidankooda ka jooga Soomaaliya.

“Waxaan joojinnay Sideeddii Bil ee lasoo dhaafay weeraradii Al-shabaab ka geysanayeen gudaha dalka, laakiin waxay taasi ku bedaleen inay weeraro ku qaadaan ciidankeena jooga Soomaaliya”

“Ciidamada Kenya waxay Soomaaliya u joogaan nabad ilaalin iyo sidii ay Soomaalida u caawin lahaayeen, Soomaaliya kama soo bixi doonaan inta ciidanka AMISOM ee ka socda dalalka Burundi, Uganda, iyo Itoobiya ay joogaan” ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre Ducaale.

15-kii bishaan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday xero ay ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo, halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta uu ka dhashay.

Goobjoog News