U bood dhigaalka

Xildhibaan Abtidoon “Wasiiro dhahaya Ra’iisul wasaaraha ha iscasilo waa wax cajiib ah” Dhageyso

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamed Cabdi Abtidoon oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul waxa uu uga hadlay qorshihii wasiiro ka mid ah xukuumada Soomaaliya ay qoraal ugu direen Ra’iisul wasaaraha, kana dalbadeen in uu is casilo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in qoraalkaasi aanu jirin wax sharci ah oo uu ku taagan yahay, kaliya looga baahan yahay in ay Ra’iisul wasaaraha la taliyaan.

“Qoraalkaas hadii uu jiro, wax sharci ah oo uu heystaahi ma jirto, qodob uu ku taagan yahay ma jirto, wasiirka waxaa u banaan haduu la talinayo Ra’iisul Wasaaraha wado ay ku wada xiriiraan, waa gole ay ka wada mid yihiin oo Ra’iisul Wasaaruhu Gudoomiye ka yahay , intuu u tago oo Ra’isul Wasaaraha la taliyo waa wax sax ah, laakiinse wasiirada sidaasi ma yeeline Idaacadaha inta laga hadlay ayaa la yiri, Ra’isul Wasaaraha ayaan hawada u marinaynaa in uu is casilo, sharci darro waaye”

Xildhibaanka ayaa dhanka kale sheegay in wax lala yaabo ay tahay wasiiro in ay Ra’iisul wasaaraha ku yiraahdaan ha is casilo.

“Wasiirku waxaa uu xaq u leeyahay wixii isaga quseeya, inuu iscasilo ama in uu Xubin ka ahaado wasiirada xaq ayuu u leeyahay laakin in wasiirka uu Ra’iisul wasaaraha ku dhaho is casil waa wax cajiib ah” ayuu yiri Xildhibaan Abtidoon.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa mar uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxda waxa uu sheegay

“Khilaaf hadduu Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ka dhex dhashaa, waa labo midkood, waa inuu Khilaaf Siyaasi ah yahay oo Siyaasad iyo isu tanaasul lagu xaliyaa ama waa inuu Khilaaf sharci ah yahay oo Maxkamadda Dastuuriga loo diraa oo soo fasirtaa, Labadaan khilaaf ee Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ka dhex dhici karaahi meel Baarlamaan kasoo gali karaa ma jirto”

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Xildhibaanka

Goobjoog News