U bood dhigaalka

Xildhibaan Afaraale “Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Waxaa Loogu Daneynayaa Reer Gaar ah”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaane Maxamed  Xuseen  Afaraale oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa si weyn u dhaliilay saami qeybisga qabaa’illada ee aqalka sare ee baaralamaanka Soomaaliya isagoo sheegay in sad bursi loo sameeyay cid gaar ah.

Xildhibaanka Afaraale ayaa ugu horreyn ka hadlay sida uu uga xunyahay go’aanadii ugu dambeyey ee shirka madasha qaarkood, gaar ahaan awood qeybsiga aqalka sare ee baarlamaanka:

“Doorashda Aqalka Sare waxaad moodaa in reer loogu daneynaayo oo wax loogu dheefinaayo Soomaaliyana aysan dan u ahayn ayna qaadi karin. Waxaase nasiib darro ah wixii madashii ugu horreysay lagu soo heshiiyay iyadoo ay san dan u ahayn ummadda Soomaaliyeed la yiri qoor qabad iskaga qaata in hadana mar labaad la sii laalo, dadkii markii horeba keenay hadana sad bursi kale loo sii sameeyo Soomaalina laga fadilo, taas ayaa nasiib darro ah. Waxaan ku talin lahaa dadka ha la tiryo oo haddii ay Soomaali ka dad bataan sida hadda loogu sad burinayo ha loogu sad buriyo. Sida hadda wax lagu wado waa si ay Soomaaliya ku kala fogaaneyso, waxayna keenaysaa caaqibo xun”.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in dadka sad bursigan sameynayaa ay yihiin kuwo ka talinaya in dadka Soomaaliyeed sii kala fogaadaan oo diiddan horumarka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa sheegay in howshan ay ka dambeyso beesha caalamka oo cid goonni ah garab taagan. Xildhibaan Afaraale ayaa waxa la sameeyay ku tilmaamay sharci darro isagoo mar labaad ku celiyay in go’aanada Soomaali lagu kala fogeynayo.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobollada waqooyi oo aad u dhaliilay go’aanadii shirka madasha, waxaanuu yiri:

“Waxay saluugsanaayeen markii la qeybinaayay Aqalka sare Puntland waxaa la siiyay 11 xubnood, Somalilandna 11 xubnood, wixii markii hore lagu heshiiyay ayaa dib loogu laabtay oo 11-koodii ayaa dad laga soo gooyay oo Puntland loogu daray, taana waa khalad, waxa hadda la sameynayo waxay ahayd in mar hore laga fiirsado, mar haddii uu go’aan soo baxay oo la isku waafaqay in sidiisa ku dhaqan galo weeyaan, ama ha khaldanaado ama ha saxnaado, laakiin haddii gadaal loogu noqdo waxba yaaney meesha kasoo bixin ayaa loo jeedaa weeyaan”.

Shirka madasha wadatashiga ay magaalada Muqdisho ku lahaayeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ayaa 7 bishan kusoo gabagaboobay magaalada, iyadoo ay ka soo baxeen go’aanno ku aaddan doorashooyinka dadka oo qaarkood laga biyo diiday.

Goobjoog News