U bood dhigaalka

Xildhibaan Afaraale Oo Dhismaha Maamulka Bakool Sare Ku Eedeeyay Jubbaland Iyo Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale ayaa sheegay in maamulka Bakool sare ee dhawaan looga dhawaaqay degmada Ceelbarde uu yahay mid la doonayo in lagu abuuro colaad sokeeye iyo sidoo kale in qalqal la geliyo shacab nabad ku jooga.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in wax laga xumaado ay tahay in mudanayaal ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ay qeyb ka qaataan dhismaha maamulkaan iyo sidoo kale in maamulka Puntland uu taageero maamulkaasi.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in maamullada Jubbaland iyo Puntland ay ka dambeeyaan dhismaha maamulkaan, islamarkaana ay iyaga qarash badan ku bixiyeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dadka meesha tagay waa fitno abuurayaal ma ahan dadkii deegaanka leh, waa dad qalalaasye meesha u tagay, la doonayo in lagu carqaladeeyo Boobkii Jubbaland oo waxaan ognahay in lacag looga soo dhiibayo Puntland, sababta aan u eedeynayo waxay tahay xildhibaannada meesha tagay iyaga ayeey kasoo jeedaan” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhinaca kale xildhibaan Afaraale ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in tallaab adag laga qaado xildhibaanadii ka qeybqaatay dhismaha maamulka Bakool sare.

Shir maalmo badan ka soconayay degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool ayaa looga dhawaaqay maamul loogu magac daray Bakool sare kaasi oo la sheegay inuu maamuli doono degmooyinka Ceelbarde, Yeed iyo Aato.

Goobjoog News