U bood dhigaalka

Xildhibaan Afaraale oo dowladda usoo jeediyay in ay ka shaqeyso mideynta siyaasiinta Baydhabo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda Federaalka u soo jeediyay inay ka shaqeyso mideynta siyaasiyiinta Baydhabo oo qaarkood aragti ahaan aad u kala fog.

Xildhibaan Maxamed Afaraale ayaa sheegay in magaalada Baydhabo aysan ka dhicin wax doorasho ah ka dib markii ergo ku shirsanayd magaaladaasi ay madaxweyne u doorteen Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxa uu tilmaamay in la qaban qaabaniyo shirweyne la isugu imaanayo dhammaan siyaasiyiinta gobaladaasi Koonfur Galbeed kaas oo goobjoog ay ka noqon doonaan wakiilo ka socda beesha caalamka.

Xildhibaan Afaraale ayaa sheegay in doorashadii Shariif Xasan ay la mid tahay kuwii hore ee ka dhacay magaaladaasi, kuwaa oo dowladda Sheegtay in aysan aqoonsaneen.

Ugu dambeyn ayuu sheegay in cid walba oo wax rabta ay imaan doonto shirweyne la qaban doono, islamarkaana ay ka qeyb gali doonaan dhamaan bulshada, goobjoogna ka ahaan doonaan xubno beesha caalamka ka imaanayaan.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News