Xildhibaan Afaraale Oo Ka Digay In La Kala Gooyo Gobalka Bakool

Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Odayaal iyo xildhibaanno dhawaan sheegay in Seddax Degmo oo ka mid ah Bakool aysan hoostagi doonin maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo ka digay in gobalka la kala gooyo.

Waxa uu sheegay in dhamaan dadka ka hadlay arrimaha ku aadan ka bixista Koonfur Galbeed, aanay wax shaqo ah ku lahayn gobalka Bakool, islamarkaana degmooyinka ay degaan ay jiraan dhanka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Xildhibaan Afaraale ayaa sheegay in degmooyinka Yeed iyo Caato aysan degmo ahayn, ayna yihiin deegaanno, islamarkaana Bakool uu ka kooban yahay 5 degmo oo dowladii Dhexe ka tagtay.

“Xoog ayeey rabaan in dadka ay kusoo galaan, meello aan degmooyin ahayn bay sheegayaan in degmo ay tahay, midda kale meelaha ay degaan waxay jiraan xadka Itoobiya, Tuulooyinka ay leeyihiin waan naqaannaa nimankaasi, marka Koonfur Galbeed waxba kuma lahan” ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.

Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo safar ku tagay gobalka Bakool iyo sidoo kale Odayaal dhaqameed ku sugan gobalkaasi ayaa sheegay in Seddax degmo oo ka mid ah gobalka Bakool aysan hoostagi doonin maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW