U bood dhigaalka

Xildhibaan Afarale Oo Puntland Ku Eedeeyay Dhibaateynta Dadka Kasoo Jeeda Gobollada Koonfur Ee Ku Nool Deegaannadooda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo ka mid ah xildhibaanada dowladda Federaalka oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa Maamulka Puntland ku eedeeyay iney raalli ka yihiin dadka rayidka ah ee lagu waxyeeleynayo deegaanadooda.

Xildhibaanka ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay tacsi uu u diray dadka naftooda iyo hantidooda ku waayay ee lagu waxyeeleeyay gudaha Puntland kana soo jeeday gobolada Koonfureed.

Waxa uu sheegay in bishan Afaraad labadeeda laga soo bilaabo illaa iyo hadda uu jiro banaanbaxyo ka dhacaya; Qardho, Buursaalax, Goldogob, Burtinle, Bacaadweyn, oo la leeyahay dadka koonfurta kasoo jeeda ha ka baxaan deegaanada Puntland iyagaa shabaab ah, loona qabtay muddo 24 saac ah, oo markii ay dhamaatay loo geystay boob, dhac, dil, Kufsi, waxaanuu sheegay inuu aad uga xunyahay.

Waxaan rabaa, ayuu yiri, maamul goboleed Puntland inuu ku sifoobo waxa uu isagu sheeganayo, marka la iskugu yimaaddo shirarka ama idaacadaha laga hadlayo, waxay yiraahdaan waxaan nahay dad Soomaalida jecel, dad federaalka Jecel, marka nin mujrim ah dambi uu geystay, dad masaakiin ah oo kugu agnoolaa sanado hanti ku lahaa aad haybtiisa u raacayso sow wax xun maaha.

Xildhibaanka ayaa tusaale u soo qaatay Fu’aad Shangole oo ka soo jeeda sida uu sheegay Puntland, isla markaana dhibaato xooggan ka geystay gobolada shabeelada hoose iyo Baay iyo Bakool, dhibaatadii uu geystay aan loo raacan dadka reer Puntland ee ku nool Koonfurta Soomaaliya, waana sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu baaq u soo jeediyay dowladda Soomaaliya, “Dowladda Soomaaliyeed Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirada jooga Puntland oo shacabkii hoostooda lagu gumaadayo, waxaan u jeedinayaa in arrintaa ay tillaabo adag ka qaadaan”.

Waxa uu u mahadceliyay Cabdikariim Xuseen Guuleed madaxweynaha Galmudug, oo uu yiri si wadaniyad leh ayuu uga qiirooday dhibaatada shacabka Koonfureed loo geysanayo, waanuu ka hadlay ayuu yiri oo Puntlandna u caqli celiyay.

Shacabka Koonfureed ee ku dhaqan Puntland ayuu ugu baaqay, mar haddii meeshii ay walaalnimada u tageen lagu dhibaateynayo iney iskaga soo baxaan, oo u soo guuraan Galmudug, iyo gobollada kale ee ugu dhaw, si ay naftooda iyo hantidooda u badbaadiyaan.

Xildhibaanka ayaa waxa uu yiri, waan ka hadlaynaa marka shacabka aan matalno la dhibaateeyo, dadka reer Puntland ee Koonfurta jooga waxaa ku ilaalinnaa Soomaalinimo, maamulka ay ku jiraan ayay nagula nool yihiin, sidaan kuwooda u soo dhaweynayno ayaan rajeynayaa iney iyaguna kuweenna u soo dhaweeyaan.

Xildhibaanka ayaa yiri, “Xamar haddii shacabku kaco oo dad isir loo raaco sow dowladdii ma joogto, gobolkii sow ma joogo, degmadii sow ma joogto, dowladdii dhexe sow ma joogto, haddii ay ka fiirsato oo ay shacabka ka celin weydo, oo shacabkii la dhaco oo la dilo, sow iyagu raalli kama aha, ciidan hub qaatay oo dadka laayay la iima sheegay, laakiin wax u eg iney raalli ka yihiin ayaa meesha ka dhacay, mudaharaadka iney ka hortagaan ayay ahayd oo yiraahdaan Soomaali waa Soomaali”.

In dambiilaha la soo qabto waa ogolnahay, in maxkamad la soo taago oo la xukumo waan ogolahay, laakiin in dadka rayidka ah la dhibaateeyo ma ogolaaneyno, ayuu yiri.

Xildhibaan Afaraale waxa uu hay’adaha xuquuq-insaanka u dooda ugu baaqay iney arrinkaas baaraan oo ay booqdaan xabsiyada Puntland dadka ku xiranna soo fiiriyaan xaaladooda iyo waxa lagu xiray.

Ugu dambeyn, qarax Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo duulaankii dhawaan ciidamada Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanno ka tirsan Puntland ayaa ah arrimo badan oo isbiirsaday isla markaana dhaliyay in dad rayid ah oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya la dhibaateeyo iyadoo lagu eedeynayo Al-shabaabnimo.