U bood dhigaalka

Xildhibaan Bishaar Ugaas “Xeerka Golaha Adeegga Garsoork Madaxweynaha Ma uusan Sixiixin, Faafinta Rasmigana Kuma Uusan Soo Bixin”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Bishaar Ugaas oo ka mid ahaa xildhibaano aragtidooda ka dhiibtey guddiga golaha addeega garsoorka oo shalay la horgeeyey baarlamaanka federaalka ayaa su’aal ka keeney in sharciga oo la meelmariyey bishii July sanadkii 2014-ka aanan illaa iyo hadda uusan arag meel uu madaxweynaha ku saxiixay , islamarkaasina lagu soo saaray faafinta rasmiga ah.

Si uu xeerka sharci u noqdo waxaa qasab ah in uu madaxweynaha saxiixo, kadibna lagu soo saaro faafinta rasmiga ah, taasi ka horna xeerka sharci ma noqon karo.

Haddii ay taasi dhab tahay waxa ay noqoneysaa in guddiga golaha adeegga garsoorka ee baarlamaanka la horgeeyey uu sharci darro yahay maadaamaa uusan wali ansax ahayn xeerkii lagu dhisi lahaa, sida ay qabaan sharci yaqaanada.

Dhinaca kale xildhibaan kale oo ka mid ahaa kuwii madasha ka hadlay ayaa su’aal ka keeney labada xubnood ee ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ee wasaaradda caddaalada soo gudbisey in uu madaxweynaha soo magacaabay iyo inkale, sida uu sharciga qabo waxa ay tahay in magacaabis madaxweyne ay ku yimaadaan.

“Wasiir waxaan ku weeydiinayaa aawey waraaqihii magacaabista labada qof ee ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ee madaxweynaha, maanan arag, haddii aad heysana na tus” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan kale ayaa isna su’aal ka keeney in uu jiro ururka garyaqaanada Soomaaliyeed oo dalka ka diiwaangashan, kaasi oo soo magacaabaya xubin ka mid ah guddiga.

Wasiirka ayaa ugu jawaabay in uu jiro ururka garyaqaanada Soomaaliyeed oo diiwaangashan, sidoo kalana maamul goboleedka Puntland uu ka jiro urur kaasi la mid ah.

Arrimaha ku saabsan dhismaha guddigani ayaa ah arrinta ugu xasaasisan ee haatan hortaala baarlamaanka, sababtuna waxa ay tahay in guddigani uu yahay kan ugu sareeya ee garsoorka, islamarkaasina yahay kan soo magacaabaya maxkamadda dastuuriga ah oo iyadu hadhoow loola noqon doono wixii xal ka gaaris muranada dastuuriga ah ee madaxda dalka isku qabato.

Goobjoog News