U bood dhigaalka

Xildhibaan Boodaaye “Mooshinka Laga Keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Ma Ahan Mid Nidaam Ku Yimid”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, aanu ahayn mid loo soo maray wadadii sharciga ahayd, islamarkaana aan laga soo fiirsan.

Waxa uu sheegay in qodobada ay la yaabeen ay tahay eedeyn loo jeediyay madaxweynaha Sheekh ay kasoo billawdeen 2012-kii, islamarkaana soo bandhigista xilligaan ay u arkeen mid siyaadeesan ee aanu ahayn mid shacabka loogu turayo.

“Eedeymaha loo soo jeediyay madaxweynaha waa kuwo kasoo billaabanaya markii uu xilka qabtay,  fulinta ma ahan kaliya madaxweynaha, qaladaad la galay xilligaasi hadii ay jiraan, baarlamaankana uu leeyahay awood ah inuu kormeero wasaaradaha maxaa xilligaasi wax looga qaban waayay oo la’iskula sugaayay, waxaa mooshinkaan laga leeyahay dano siyaasadeed mana ahan mid ku yimid nidaamkii loo baahnaa” ayuu yiri Xildhibaanka.

Dhinaca kale xildhibaan Boodaayee ayaa sheegay in isaga shaqsi ahaan uu ka mid ahaa xildhibaanadii loo soo bandhigay inay saxiixaan mooshinkaan, balse waxa uu tilmaamay in markii uu dib u eegay uu u arkay wax dalka lagu qalqal gelinayo.

“Baarlamaanka Seddax Markii loo dhigo Laba ka mid ah raali kama ahan mooshinkaan socda iyo sidoo kale in dalka qalqal siyaasadeed la geliyo, midda kale aniga waxaan ka mid ahaa xildhibanadii baarlamaanka ee loo soo bandhigay mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, markaan dib u eegay waxaan arkay in dalka loo wado qalqal siyasaadeed, anigane taasi raali kama ihi” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Cali Nuur Boodaaye.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa weli ku kala aragti duwan mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh, xilli guddoonka baarlamaanka Soomaaliya uu sheegay in mooshinkaasi wada hadal laga galayo.

Goobjoog News