U bood dhigaalka

Xildhibaan C/ Caziiz Oo DFS Ugu Baaqay In Ay Ka Hadasho Tacadiyada Kenya

Sheeko:Amniga

Dowladda Kenya ayaa ka wado gobolka Gedo tacadiyo ka dhan ah arrimaha bani’aadannimada iyada oo ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka ay marar badan Shacabka u geysteen tacadiyo la xiriira dil, baro kicin, kufsi iyo duqeymo.

Dowladda Soomaaliya iyo Kenya waxaa horay uga dhaxeeyay khilaaf xooggan oo ku saabsan dhanka Xuduudaha kaasi oo salka ku hayay derbiga ay Kenyo ka dhiseyso xadka labada dal.

Xildhibaan C/caziiz dhego Qowl oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Kenya waxaa ay ka wado gobolka ay tahay dhacdooyin xanuun badan isla markaasna looga baahanyahay loo baahanyahay in loo istaago si arrintaasi wax looga qaban lahaa .

Xildhibaanka ayaa dowladda Soomaaliya ku dhaliilay in aysan wax ka qaban arrimaha gobolka gedo isla markaasna uu ugu baaqayo madaxda sare ee dowladda in ay ka hadlaan tacadiga Kenya.

“Waxaan leeyahay dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland in ay fiiro gaar ah u yeeshaan arrinkaasi, waxaan leeyahay waxaas wax loo dulqaado karo maaha, xaduudaha dalka iyo meelaha ay wax ka dhacayaan waxaa mas’uuliyad ay ka saarantahay dowladda Federaalka Soomaaliya waana iyadana waxa gabtay shaqadeedii gaar ahaan xukuumadda”.

Ciidaamada Kenya eek u sugan gobolka Gedo ayaa waxaa ay geystaan tacadiyo ka baxsan bani’aadannimada waxaana todobaadkii hore ay ka geysteen falal la xiriira kufsi, balse dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin tacadiyada Kenya.

Goobjoog News