U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Barre “Baarlamaanka Cidi Kama Aqbali Doonto Go’aan Walba Oo Ka Dhan Ah Shirka Madasha”

Sheeko:Baarlamaanka

 

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa xubnaha baarlamaanka uga digay iney hor istaagaan Heshiiska madasha Qaranka ee dhawaan go’aanada ka soo saaray magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka dhawaajiyay dhibaatada marka xilligan oo kale la gaaro ka dhacda dalka waxaanuu yiri:

“Marka hore dalka marka ay doorasho dhacayso waxaad moodaa in isku dhex yaac iyo boqol fekradood oo kala duwan qoloba la imaneyso, in ka horeysana waxaad moodaa in qof walbaaba waxa socda uusan ka fiirsaneyn oo iska dhex boodaayo, isku dhexyaacan hadda jiray 4 sano ka hor ayay ahayd in laga baaraan dago”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay; “Madasha waxaan kamid ahaa dadkii kasoo horjeeday ee lahaa war madashan lala ordayay waxay salka ku hayso lama yaqaano, xilli inbadan oo baarlamaanka ka tirsan ay u sacbineysay, waxaan dadka soo jiitay hadal macaan oo xubnaha lala horyimid, waxayna ahayd in laga fakaro hadalka macaan maxaa ka dhalan kara, markii la ansixinayay is may lahayn baarlamaanka ayay ka tilaabsanayaan”.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in natiijada madasha kasoo baxday aan la joogin waqtigii la diidi lahaa, lama taagnaankaro marna in loo sacbiyo mar kalena la is qabqabsado xilligaas maanta lama joogo, maxaayeelay; waqtiba ma harin, waxa harayna waa Afar Bilood, ka hor wixii la qaban waayayna Afar Bilood laguma qaban karo, ayuu yiri.

Dalkani hoggaan buu u baahan yahay, dalkani waxa uu u baahan yahay waddo toosan oo Soomaaliya lagu hago, war-murtiyeedka soo baxay wixii laga sixi karona ha laga saxo, wixii toosanna way toosan yihiin, waana sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu xildhibaanku yiri; “waxaa jira waxbadan oo ay shacabka saluugsan yihiin ama baarlamaanku saluugsan yahay in sixitaan lagu sameeyo oo baarlamaanku saxo, oo sida ugu haboon, ugu wanaagsan baarlamaanku u saxo”.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay iney adkaan doonto sida wax lagu kala xulo, haddii la yiraahdo xildhibaan kasta waxaa soo xulaya 50 qof oo uu hogaaminayo oday dhaqameydkii 135 ka mid ka ahaa, maadaama isinkii 10 xildhibaan xulayay looga baahan yahay ergo 500 qof ah inuu isku keeno, ergadaasi sida ay wax ku xulaan aadbay u adkaan doontaa.

Xildhibaanka ayaa talo ku bixiyay inaan la diidin wax ka soo baxay madasha ee wixii wax ka bedel ah lagu sameyn karo lagu saameyo, waxa uuna tilmaamay in diidma kasta aan baarlamaanka cidi ka dhageysanayn, maadama waxa gadaal ka riixayaa uu yahay beesha caalamaka.

Ugu dambeyn, shirkii madsha wadatashiga qaran ee madaxda dalka uga socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxay go’aanno ku saabsan doorashada dalka iyo sida ay noqoneyso xulista xildhibaanada baarlamaanka 10aad ee la filayo inuu dalku yeesho, arrintaas ayaa dhalisay in siyaasiyiin badan iyo xildhibaanno ay ka soo horjeestaan shirkaa iyo qodobadii ka soo baxay qaarkood.

Goobjoog News