U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Barre “Haddii aad Hubtaan in aad haysataan tiro idinku filan, baryada naga dhaafa ee sanduuqa aan ku kala baxno” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah xubnaha sida weyn uga soo horjeeda mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in been abuur ay faafiyeen xildhibaanada mooshinka wada ay tahay in iyaguy ay yihii 30 mudane oo kaliya.

Wuxuu xildhibaanada kale xusuusiyey in haddii ay iyagu is hubaan tiro ahaan uu soo jeedinayo in sanduuqa codka lagu kala boxo, la’iskana dhaafo arrimaha tashkiilinta ah.

Waxa uu dhanka kale wax lala yaabo ku tilmaamay in xukuumad aanan lala xisaabtamin mooshin laga keeno.

Waxa uu eedda khilaafka madaxda dusha ka saaray kala soocnaan la’aanta awoodaha madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha oo uu sheegey in shaqadiisii lagu farogaliyey “Meeqa guddoomiye gobol oo aad maqasheen oo la magacaabay, yaa awood u leh in uu magacaabo?” ayuu isweeydiiyey xildhibaanka.

Wuxuu ka hadlayay codbaahiyaha baarlamaanka oo ay wali ka socoto dooda mooshinka ka dhanka Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News