Xildhibaan Cabdi Barre “Moowqifkeena Waa Cadyahay, Waan Kasoo Horjeednaa Mooshinka” (Dhageyso)

Cabdi BareMid ka mid ah xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka ka dhanka ah Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, Xildhibaan Cabdi Barre oo hadal kooban maanta siiyey Goobjoog ayaa sheegey in aysan waxbo ka jirin warar warbaahinta qaar ay faafisey oo ahaa in ay gorgortan ka galeen moowqifkoodii hore.

“Moowqifkeena waa cadyahay, marnaba gorgortan kama galayno, waxaanan u taaganahay difaaca sharcigii aan u dhaaranay” ayuu Goobjoog u sheegey xildhibaan Cabdi Barre.

Wuxuu sheegey in madaxweynaha la kulankiisa uu yahay mid caadi, lalana kulmi karo maadaamaa uu yahay madaxweynihii dalka, balse aysan jirin xildhibaano mooshinka kasoo horjeeda oo inta madaxweynaha la kulmey kadibna gorgortan ka galay moowqifkooda.

Wuxuu hadlayay xili xildhibaanada mooshinka kasoo horjeedey ay shirk u lahaayeen hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho, waxayna diideen in ay war siiyaan warbaahinta, iyagoo sheegey in ay bari warbaahinta la hadli doonaan.

Dhageyso

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW