U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Barre “Ra’iisul Wasaaruhu Waxa uu Ballan Qaaday in uu Sameyn Doono Isbedel Dhanka Amniga ah”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi barre Yuusuf Jibriil oo Sabtidii saxaafadda kula hadlay xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali uu xildhibaanada hortooda ka ballan qaaday in uu sameyn doono isbedel dhanka amniga ah.

Xildhibaanka ayaa ka ugu horreyn ka dhawaajiyay xaaladda abaaro ee uu dalku wajahayo waxaanuu yiri; “Dalka Soomaaliya baryahan waxaa aafeeyay abaaro, waad maqleyseen idaacadaha iyo jaraa’idka gobollada Soomaaliya qaarkood in abaaro  badan ay ku habsatay, dowladda waxaan leeyahay ha laga qeyb qaato abaarahaas, hay’adaha deeqaha bixiya ee caalamka haloo gurmado gobollada Soomaaliya ee abaaruhu ka jiraan”.

Cabdi Barre waxa uu si gaar ah uga hadlay kulamadii baarlamaanka u socoday ee arriamaha amaanka waxaanuu yiri; “Maalmahii la soo dhaafay oo dhan amniga ayaa laga hadlayay, haddaan amniga laga hadlin oo waxyaabaha khaldanna la sixin dhibkeeda ayay leedahay, dadbadan ayaa markii amniga laga hadlo soo orda oo aad mooddo iney difaacayaan shakhsi, anigu shakhsi ma difaacayo si gaar ahna u weerari mayo, laakiin waa in danta ummadda Soomaaliyeed loo shaqeeyaa, wixii khaldan waa in la sheegaa, amni haddii uu khaldan yahay waxaan ayaa liicsan waa in la yiraahdaa, amniga dabacsanaanta gashay waa in waxbadan laga qabtaa”.

Waxa uu xildhibaanku ka hadlay erayo uu aad uga xumaaday oo ka soo yeeray taliyaha NISA C/rixmaan Tuuryare; “Waxaan aad uga xumahay halkaan hadallo ka soo yeeray oo haddaaye taliyuhu aad uga sanqariyay, runtii looma baahneyn inuu erayadaa xataa adeegsado, waxyaabo aan laga hadlin oo xasaasi ah ayaa jira”.

Waxa uu xusay haddaan amniga gacmo bir ah lagu qaban wax hagaagayaa ma jiraan, qofkii aan wax qaban waa in tallaabooyin laga qaado, tillaabadaasina waxay noqoneysaa xil ka qaadis in lagu sameeyo oo qofkaas lagu soo badalo qof kale oo howshaas qabta.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in “Ra’isul wasaaruhu uu baarlmaanka hortiisa ka ballan qaaday in wax alaaliyo wixii talooyin ahaa ee  loosoo jeediyay amnigana ku saabsan uu qaadanayo, amnigana wax ka badalayo tallaabana qaadayo, wuu ballan qaaday jawaabtana isagaa laga sugayaa”.

Mar uu ka hadlay isbadalka amni ee Muqdisho laga fili karo maadaama lagu wareejiyay gobolka Banaadir ayuu yiri;” taas macneheedu waxa weeyaan mar haddii ay taliyeyaashu ay yiraahdeen amniga waxbaan ka qaban weyney magaaladii ha lagu sii daayo bal aan aragno waxa ka dhalan doona, isbadal inuu dhacayo ma filayo sidey wax u socdaan saansankeeda ayaan u jeedaa, waxaad moodaa in siyaasaddii iyo amnigii madaxa laga jarayo oo meel aan socon dalkii loo jiheeyay, Illaahay dalkan ha u keeno hoggaan caadil ah oo dadkaan wax fahamsiiya oo sharciga iyo amniga macnihiisa yaqaanna Illaahay dalkan ha u keeno”.

Ugu danbeyn waxa uu ka hadlay warbixin la filayo in laga soo saaro kulamadii albaadu u xirnaa, saxaafaduna ay dibad joogga ka ahayd, isagoo sheegay in aaney suurogal ahayn in saxaafadda dibadda loo saaro warbixinna lasoo saari waayo, waxaan filayaa in Ra’isul wasaaruhu go’aan adag soo saari doono, golaha baarlamaankuna ay qaraar adag soo saari doonaan.