U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdisamad “Baahida Amni ee Muqdisho Wey Ka Weyn Tahay mid ay isku Dhiibaan Taliye Nabad Sugid iyo Guddoomiye Gobol”

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan ku dhex maray magaaladda Muqdisho Sabtidii lasoo dhaafay hay’adaha ammaanka iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu go’aaminayay in ammaanka magaalada lagu wareejiyo gobolka banaadir oo si buuxda ula wareegaya ammaanka magalaada, haddaba arrinka ayaa dhaliyay doodo badan iyadoo la is weydiinayay waxa ay ka bedeli karto xaaladaha amni darro ee Muqdisho.

Haddaba Goobjoog News oo arrinkaa daba gal ku sameeyay ayaa wareysi la yeelatay xildhibaan Cabdisamada Macallin Maxamuud oo ka hadlay ra’yigiisa iyo xaaladan cusub waxay kusoo kordhin karto amniga.

Waxa uu xildhibaanku hadalkiisa ku bilaabay “waa loo baahan yahay dadaal in la sameeyo, oo si kasta oo amniga lagu sugi karo lagu sugo, gobolka Banaadirna waan aaminsanahay inuu kaalin fiican ka qaadanayo sugitaanka amniga, haddii ay ku tala galaan oo ay juhdi farabadan galiyaan, iyagoo markasta la kaashanaya shacabka deegaanka deggan”.

Muqdisho waa magaalo madaxdii Soomaaliya, markastana uu amnigeedu ka culus yahay meelaha kale ee dalka, laakiin marka nidaamka sharciga ah la fiiriyo, hay’adaha amnigu iyagaa u xil saran dalka amnigiisa, gobolka Banaadir ciidan Amni oo u gaar ah ma laha, waxa uu adeegsanayaa un waa ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo hay’adda Sirdoonka Qaranka, in la yiraahdo hay’addii Nabadsugiddu waxay amnigii magaalada ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir, taa macneheedu maaha in gobolka Banaadir uu ka maqnaa markii horaba ammaanka, mar kastaba waxay ku lahaayeen kaalin fiican, Nabadsugidda iyo Booliskuba waxay leeyihii qeybo hoos yimaadda gobolka Banaadir, taliyaha Booliska gobolka Banaadir iyo Taliyaha Nabadsugidda gobolka Banaadir waxay labaduba si toos ah u hoos yimaaddaan gobolka Banaadir.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray inuu u arko “inaaney wax gooni ah soo kordhineyn, “in la yiraahdo wax kasta oo ku saabsan ammaanka gobolka Banaadir waxaa la weydiinayaa gobolka Banaadir, ciidankiina uu yahay mid markasta ka amar qaadanaya taliyaha Nabadsugidda, taas waxaan u arkaa arrimo siyaasadeed mooyaane inaaney wax badan amniga kusoo kordhineyn”.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa sii raaciyay  halka uu khaladku ka jiro, waxaanuu yiri , “khaladku kama jiro sida ay u shaqeeyaan hay’adaha sidey u shaqeynayaan ama goblolku sida uu u shaqeynayo, laakiin uu khaladku ka jiro qaabdhismeedka Wasaaradaha, wasaaradna gobolka ayaa hoos yimaadda, wasaarad kalena ciidanka amniga ayaa hoos imanaya, laba wasaaradood oo laba shaqo oo kala duwan leh ayaa mar walba waxay la yeelanayaan shaqo gobolka Baadir, waxaad mooddaa halkaas iney dulduleel ka jiro, dhinaca kale, haddii sidii  wax loo rabay wax u socon waayeen macneheedu maaha in la yiraahdo qolaa awooddii laga wareejinayaa qolo kale ayaa loo wareejinayaa, waa in mas’uuliyadda cidi qaadataa, ciddii mas’uuliyadeeda ka soo bixi weysayna loo ciqaabo”.

“hadda gobolka waxa lagu wareejiyay wax gaar ah oo ay sameynayso lama arko, waxa lagu wareejiyay ayaan ahayn wax macno badan sameynaya, markii horeba way u madax banaanayeen ammaanka, waxay la mid ahaayeen gobollada kaleeto, ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugidda ee gobollada kale ayay la mid ahaayeen, wax maanta cusubna oo la soo wareejiyay ma garan karo, markii hore cid ka wareejisay ma jirin, wax cusub ma soo kordhineyso, laakiin in mas’uuliyaddii cid laga wareejinayo ayuunbaa arkaa”.

Ugu danbeyn xildibaanku waxa uu sheegay sida ammaanka lagu sugi karo oo yiri in “ciidanku waxa uu u baahan yahay in la tayeeyo oo tiknoloojiyadda cusub ee wax lagu baaro loo keeno, in farsamooyinka dagaal oo maalin kasta lagu qaado oo isku nooc ah oo soo noqnoqonaya ciidamada loo siiyo tababarro, waxaa amniga lagu dhisaa waa in shacabka iyo hay’adaha amniga la isku xiro, hay’adaha ammaankana aaney shacabka wax dhibaato ah u geysan, shacabkuna ay aaminaan hay’adaha amniga si ay ula shaqeeyaan in kalsoonidaas la abuuro weeyaan, waa arrin mas’uuliyaddeedu ay saaran tahay mas’uuliyiinta sarsare ee qaranka, maaha in dadka lagu mashuquuliyo taliyaha nabadsugidda iyo gobolka Banaadir, waxaa amniga Muqdisho mas’uuliyadiisu saaran tahay dowladda federaalka, madaxweynaha, wax guddomiye gobol iyo taliye nabad sugid isku dhiibaan wey ka weyn tahay baahida amni ee magaalada Muqdisho, waxaa dhacay khaldaad amni oo mas’uuliyiinta sare ee qaranku sidii la rabay aaney xoogga u saarin, kadibna dadweynaha loo sheegayo haddana waxaa mar labaad loo wareejiyay gobolka, macno weyn oo isbedel oo ka imaan kara ma arko”.