U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdulaahi Xasan oo Muqdisho lagu dhaawacay

Sheeko:Dalka

Koox ku hubeysan Bistoolado ayaa duhurnimadii maanta waxa ay xaafadda Taleex, degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho ku dhaawaceen xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaankaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdulaahi Xasan ayaa wararka waxay sheegayaan in markii la dhaawacaayay uu kasoo baxaayay goob maqaaxi ah, islamarkaana gaarigiisa uu soo koray.

Ragga wax dhaawacay ayaa la sheegay in ay wateyn gaari nooca yar yare e Soomaalida u taqaano (Gaadiidka Raaxada) waxaana intaasi ka dib baxsaday ragii falkaasi ka dambeeyay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in gaariga xildhibaanka rasaas xoogan ay ku dhacday, iyadoona xaaladiisa hadda ay yara wanaagsan tahay.

Saraakiisha amaanka ee dowladda Soomaaliya wax war ah kama aanay bixin weerarkaan lagu qaaday Xildhibaanka, waxaana goobta falkaan ka dhacay gaaray ciidamada Booliiska.

Goobjoog News