U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdullahi Jaamac oo Go’aanada Madashii Goroowe ku Tilmaamay Sharci Darro

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanka oo ka qeyb galay Kulanka Goobjoog FM ayaa sheegay in Madasha ku taallo Dastuurka dalka isagoo xusay in ay tahay mid loola jeedo in dowlad goboleedyada isku dhaafsadaan xog markii la ansixiyo kadib madal ay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo nabadgalyada lagu sugo, looga hadlo danta guud iyo darisnimada.

Xildhibaanka Cabdullahi Jaamac oo ah gudoomiyaha kutladda Toosinta Talada Qaranka ayaa dhaliilay madasha wada tashiga Madaxweynaha iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, Cabdullahi waxaa uu meesha ka saaray in kulanka dhex maray Madaxweyne Xasan iyo Madaxda Gobolada uu ahaa mid dastuuri ah.

Xildhibaanka waxaa uu ku dooday in Madaxweynaha aanu la kulmin Dowlad Goboleedyo oo aan weli la hor keenin Baarlamaanka Federaalka ah balse ay yihiin Maamulo KMG ah, taasi oo ka dhigan in Madaxda ka qeyb gashay, Madaxweynayaasha la sheegay iyo gao’aanada kasoo baxay ayuu ku sheegay mid sharci ahaan aan fulli Karin.

Xildhibaan Cabdullahi Jaamac waxaa uu xusay in Dastuurka dalka aanu saareyn madaxdaas go’aanada ay ka hadleen oo arimaha la xiriira dib u eegista Dastuurka, Doorashada 2016-ka dhamaan waa shaqada Baarlamaanka ayuu intaa ku daray.

Dhinaca kale, Waxaa doodda ka qeyb galay Cabdishakur Mire oo ahaa Wasiir ku xigeenkii Warfaafinta, isagoo isweydiiyay Madashan ma tahay mid wax kusoo kordhineysa dalka? waajib ma tahay go’aanadaas? Xagee qabanayaan? Dastuur ahaa n in Masiirka umadda go’aan maka gaari karaan afar qof?

Cabdishakur waxaa uu ku dooday in laga gudbay xiligii Hogaamiye kooxeednimada oo loo baahan yahay in dalka lagu dhaco Dastuur wax lagu dhaqo mar haddii laga baxay KMG.