U bood dhigaalka

Xildhibaan Cali Afgooye ” Is Badal Muuqda Ayuu Wasiir Xamse Saciid Ku Sameeyay Wasaaradda Ciyaaraha”

Sheeko:Cayaaraha

Xildhibaan Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa bogaadiyay da’daalada iyo badalka muuqda uu Wasiir Xamse Saciid Xamse ku samayeeyay Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Soomaaliya,tan iyo markii loo wareegay 28-October 2020.

“Aad ayaa ugu faraxsanahay in saaxiibkay Xamse loo dhiibo Wasaarada Ciyaaraha dalka inta aan ogahay Xamse waa shaqsi aqoon wanaagsan u leh ciyaaraha Soomaaliya,waxaana rajaynayaa in bahda isboortiga Wadanka ay si dhaw ula shaqeeyaan” ayuu Xildhibaan Cali Afgooye u sheegay Goobjoog Sports.

Labadii bil uu joogay Wasiir Xamse Saciid Xamse waxa ay Wasaarada Ciyaaraha iyo dhallinyarada ku tilaabsatay horomar weyn ayna soo dhaweyeen falanqeeyaaaha iyo bahda isboortiga,iyadoo dhinaca kale loo rajeeyay in ay guulaysto hadafka Wasiir Xamse Saciid Xamse ee Wasaarada Ciyaaraha Dalka.

“Magacaabistii ka dib Wasiir Xamse wuxuu ku da’daalay in Wasaarada ay la mid noqoto Wasaaradaha waaweyn ee dalka,isagoo furay in shaqaalaha Wasaarada ay helaan xafiis ay ku shaqeeyaan iyo in la xoojiyo xiriirka horomarineyd ay Wasaarada la lee dahay dhigeeda caalamka iyo kuwa gudaha Wadanka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Xildhibaan Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Geesta kale Xildhibaan Cali Afgooye ayaa Wasiir Xamse Saciid Xamse ku amaanay soo xulista guddiyada maamulaya tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,waxaana guddigaas ka soo muuqda ciyaartooydii hore iyo dad si weyn loogu yaqaano isboortiga Soomaaliya.

“Wuu mahadsanyahay Wasiir Xamse Saciid wuxuu tartanka Maamul Goboleedyada u soo xulay shaqsiyaad lagu qadariyo arrimaha isboortiga dalka,waxaanse dhamaantooda u rajaynayaa in ay la yimaadaan wax qabad wanaagsan oo guul ah tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadie 2020” ayuu Xildhibaan Afgooye ugu waramay Goobjoog Sports.

Aqriso Magacyada Guddiyada Maamulaya Tartanka Maamul Goboleedyada

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/wasiir-xamse-saciid-tartanka-gobolada-waa-kan-ugu-xiisaha-badan-soomaaliya/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle