U bood dhigaalka

Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan “Ra’iisul wasaarihii hore waxaa lagu eedeeyey waxqabad la’aan, kan wax qabad badni miyaa lagu heystaa?” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Fadhigii shalay ee xildhibaanada
Fadhigii shalay ee xildhibaanada

Iyadoo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ah wadaan mooshinka ka dhan ah xukuumadda Federaalka ayaa xildhibaan C/fitaax Nuur mataan wuxuu sheegay in la xisaabtan la’aan uusan wax mooshin ah imaan Karin.

Mudanaha ayaa carrabka ku adkeeyay in mooshinku uu ka horreeyo in xukuumadda lala xisaabtamo, islamarkaasina uusan mooshinka ku iman qaab sharciga waafaqsanayn.

“Ra’isulwasaarahan waa kii labaad oo la leeyahay kan ima anfacayee ha la’iga badalo, anaga mar kasta ma ahan in aan u taagnaano in aan wax burburino, markii horaba in aad qabato ma ahayn mooshinkani, waxay ahayd in aad guddi xildhibaano ah u saarto” ayuu yiri xildhibaanka oo dhaliiley guddoonka baarlamaanka.

Wuxuu sheegey in Ra’isulwasaaraha ku taaganyahay wadadii sharciga ahayd, xaqna u leeyahay in golihiisa wasiirada isku shaandheeyo.

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyntii farta ku fiiqey in mooshinka ay ku saxiixanyihiin xubno wasiiro ah oo aanan xilkoodii wasiirnimo iska casilin, taasina ay tahay sharci daro.

“Ra’isulwasaarihii hore waxaa lagu eedeeyey waxqabad la’aan, kan ma waxaa lagu eedeynayaa wax qabad badni, sidaas ayaana lagu ridayaa” ayuu yiri xildhibaan Cabdifataax Nuur Mataan.

Halkaan Hoose Ka dhageyso

Goobjoog News