U bood dhigaalka

Xildhibaan Ciidamada Xoogga Ku Eedeyey Dagaal Beeleed Ka Dhacay Xadka Gobolka Hiiraan iyo Itoobiya

Sheeko:Amniga

Deegaanka Abaalay ee xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya, ayaa shalay waxa ka dhacay dagaal beeleed sababay dhimashada in ka badan lix qof inta la og yahay, iyadoo khasaare kalena uu geystay dagaalkaasi.

Xildhibaan Mahad Xasan Cismaan oo ka tirsan maamulka Hir-Shabelle, horena u soo noqdey wasiirkii warfaafinta maamulkaasi oo la hadlaayey VOA-DA ayaa ku baaqay in dirirta la joojiyo, waxana uu ku eedeyay dagaalka in ay qayb ka noqdeen ciidamada militariga Soomaaliya ee gobolka jooga.

” Shalay waxaa ka dhacay deegaan woqooyiga kaga beegan magalada Baladweyne oo 40km u jira dagaal, halkaas dad beeraley ah lagu xasuuqay, meeshaas waxaa dhowr jeer ku soo noqnoqday dagaal beeleedyo meeshaas ka dhaco, muddo 30 sano ah meeshaas ka jirtay.Nasiib darrada meesha taallo waxaa ay tahay in ciidamadii xoogga dalka oo adeegsanaayo hubkoodii iyyo gaadiidkoodii in halkaas ay ku laayaan dad beeraley ah, iyaga oo garab siinaayo mid ka mid ah beelihii meeshaas ku dagaalamay, ilaa iyo hadda waxaa ay dadka deegaanka ii sheegeen in ay goobta ku geeriyoodeen lix qo, runtii dhaawacna waa jiraa intaa ka badan” ayuu yiri  xildhibaanka  Mahad Xasan.

Dhinaca kale taliye Faarax Kooshin oo hoggaamiya guutada 5-aad ee ciidamada militariga Soomaaliya, ayaa eedda xildhibaanka waxba kama jiraan ku tilmaamay, waxana uu sheegey in ciidamada ay qabtaan shaqada loo igmaday oo ah inay la dagaallamaan cadow, ee aysan shacab la dagaalin Ayuu  u sheegay VOA-da.

” Xildhibaanku isaga ayaa yaqaan halka uu ka keenay warkaas, ciidamadeennu dagaal qabiil magalaan, milatariguna xaq uma lahan in ay dagaal qabiil galaan, ammarka nala siiyey oo madaxdeenna ay nasiiyeen, annagu dalka ayaan xuduudihiisa difaacnaa iyo cadowgiisa ee qabiil shaqo kuma lihin” ayuu yiri  taliye Faarax Kooshin.

Goobjoog News