U bood dhigaalka

Xildhibaan Cilmi: Wakhtiga Doorashooyinka Dalka Waxaa Xadidi Doona Kolba Sida  Xal looga Gaaro Arrimo Dhowr ah

Sheeko:Baarlamaanka

Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in mudada dib u dhaca doorashooyinka dalka ay ku xiran tahay kolba sida wax looga qabto qodobbo uu ku tilmamay iney lagama maarmaan yihiin.

Xildhibaanka oo aan weydiinnay mudada ay qaadan doonto dib u dhaca doorashada ayaa yiri:

“Waxyaabo farabadan ayaa arrintaa xadidaya; sida kolley ii muuqata, waa xadidi doona diyaarinta goobihii loogu talogalay, qabashada shirkii madasha iyo waxay ku heshiiyaan,oo hadda la leeyahay bisha dambe bilowgeeda ayuu dib ugu dhacayaa, waxyaabo badan ayaa la xeerin doonaa, guddiyadii iney diyaar yihiin, ergooyinka mudadii lagu keeni karo, goobihii iney diyaar yihiin oo ammaankoodana la xadiday, miisaaniyaddii howsha lagu fulin lahaa wixii kaga xiran beesha caalamka in aney diyaar yihiin, waxyaabahaas oo dhan ayaa xadidaya mudada lagu qaban doono, wax walbaana waxay ku xirnaan doonaan madasha soo socota iyo wixii lagu go’aan gaadho”.

Xildhibaanka ayaa dhanka kale tilmaamay in haddii Soomaali isku tashato geed hoostiina la wada fariisato la gaari kar in doorasho ku dhacdo wakhtii ku habboonaa:

“Soomaalidu hadday isku tashato iyadu shaqadana ay koobto oo ay yareyso wax unbaa laga qaban lahaa, laakiin markay arrintu kaaga xirnaato beesha caalamka way iska dhib badan tahay, inta badan yabooha ay sameeyaan kuma yimaaddo sidii ay u  ballan qaadeen, isbed-bedalkaa faraha badan ee beesha caalamka ka imanaya, wuxuu u muuqdaa dib u dhac farabadan inuu ku sameeyo xaaladda dalkana inuu ka dhigo mid aaney umadeedii iyo maamulkeedii iyo hankeedii dowladnimo ay cid kale ka sugto, haddii Soomaalidu u gaajooto, geed hoostiina u fariisato waxay doonayaan doorashooyinka wax unbaa laga sameyn kari lahaa, hadda qorshaha waxay noqotay in lala wadaago, taas ayuunbaan ka dhursugeynaa”.

Waxaan shaki ku jirin in dib u dhac uu ku yimid doorashooyinkii dalka, shaxdii ay dowladdu soo saartay bishii Juun aaney waxba ka hirgalin, iyadoo la wada sugayo waxay isla meel dhigaan madaxda madasha oo shirkoodii 17 bishan uu dib u dhacay lana filayo iney isku yimaaddan bilowga bisha August.

Goobjoog News