U bood dhigaalka

Xildhibaan C/llaahi Jaamac “Soomaaliya waxay Khatar Ugu Jirtaa Baarlamaan la’aan, Xukuumad la’aan & Dastuur la’aan”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan C/llaahi Jaamac Xuseen oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyay xarunta Baarlamaanka ayaa sheegay in dalku uu khatar ugu jiro Baarlamaan la’aan, xukuumad la’aan iyo Dastuur la’aan.

Xildhibaanka oo ka hadlayay ra’iyigiisa ku aaddan Soojeedinta xukuumadda ee hanaanka doorasho ee 2016 ayaa tilmaamay in Soomaaliya lala doonayo isbedel aaney ka fiirasan oo sababi kara Dowlad la’aan.

Xildhibaan C/llaahi Jaamac waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:

“Soomaaliya burburro ayay baarlamaanadii hore ku dhamaan jireen kanna waxa israacsan laga arkaa, xaqiiqaduse waxay tahay in muddo 9 bilood laga joogo uu dhacay isbadal aan ka socon dhinaca Soomaalida oo kaliya, Beel kale ayaa nagu jirta oo caalamka la yiraahdo, madaxda Soomaaliyeedna dhangad la daba taagan”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay:

“Waxaase nasiib wanaag ah iney maanta soo gaartay in baarlamaanka la keeno wixii madashu ka hadleysay, intii ka shaqeysay ayaa abaalkaas leh iyo guddoonka oo laga dhaqaajin waaya baarlamaanka hala keeno, waxaa lagu bilaabay baarlamaanka hala garab maro, taas oo macneheedu yahay sharciyadda hala garab maro Soomaaliyana mugdi ha ku jirto”.

Xildhibaanku waxa uu baarlamaanka la wadaagay khatarta u muuqata haddii la seego dhabaha saxda ah:

“Aniga aragtidayda waxay ila tahay in aan is aruurinno xildhibaannow, taariikhdu waa qormeysaa Soomaaliya waxay khatar ugu jirtaa in baarlamaan la’aan, xukuumad la’aan, dastuur la’aan haddii aan dhabaha saxda ah aan seegno”.

Waxa uu xusay in wafdi culus oo beesha caalamka ka socdaa kusoo waajahan yahay Soomaaliya:

“Awooddii iyo culeyskii ajinabigu waday oo isbedelka nooca aan Soomaalidu ka fariisan wali waa jirtaa, haddana waxaan maqleynay golaha Ammaanka ayaa imanaya, waxay la imanayaana waxa weeyaan culeys aan loo meel dayin in Soomaalida lagu karkabiyo”.

Ugu dambeyn, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood adag ka yeeshay maalin shalay soojeedinta xukuumadda ee hanaanka doorashada 2016 iyagoo xubnaha baarlamaanka intooda badani ay soo jeediyeen in qoraalku u baahan yahay in sharciga la waafajiyo lagana dhigo mid wakhtiyaysan oo wax kastaba ku cad yihiin.

Goobjoog News