U bood dhigaalka

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh: “Madaxweynuhu Khaladka uu Galay Ha Ka Qirto Baarlamaanka Hortiisa”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya  ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku Eedeeyay inuu ku tuntay dastuurka dalka,kana dalbaday inuu horyimaaddo baarlamaanka khaladaakiisana.

Xildhibaanka oo isagoo Nairobi jooga lasoo xiriiray Goobjoog News ayaa ka hadlay xil ka qaadistii dhawaan Madaxweynuhu uu ku sameeyay guddoomiyihii Maxkamadda sare Caydiid Ilka Xanaf, waxaanuu ugu horreyn hadalkiisa ku bilaabay:

“Waa Ayaan darro in 2016 anagoo 4 sanno ka hor dastuur soo diyaarsanay uuna ku saleysan yahay awoodaha kala baahsan oo aan isku xirneyn oo kala ah fulinta iyo sharci dejinta iyo garsoorka in aad mooddo in madaxweynihii ku tuntay sharcigii iyo dastuurkiina oo faraha lasoo galay garsoorkii”.

Xildhibaaka oo wax laga weydiiyay qodobada dastuuriga ah ee uu madaxweynaha ku eedeynayo inuu jabiyay, ayaa ku jawaabay:

“Qodobka 109 ayaa qeexaya habka garsoorka wax looga qaado, waxaanuu leeyahay waxaa ka qaadi karo ama soo jeedin karo ka qaadisteeda guddiga adeegga garsoorka, waxaanuu ku saleysan yahay madax banaanida garsoorka inaan la fara gelin Karin, maxaayeelay; waa hay’addii la rabay iney toosh ku daarto hay’adaha dowliga ah oo dhan oo ay ku jirto madaxtooyada, marka qofkii adiga ku baari lahaa ama kaa garnaqi lahaa, inaad intaad gacanta la gashid adiga bedelkii aad keensatid waa dambi dastuurkeyna kasoo horjeeddaa”.

“Arrintu caydiid xil ka qaadistiisa oo kaliya ma khuseyso ee magacaabista ninkan cusub ee Ibraahim la yiraahdo iyaduna waa sharci darro, waana arrin baarlamaanka u taalla, arrinkan oo kale maaha arrin la dhayalsado” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaan Xoosh waxa uu walwal ka muujiyay, haddii madaxda dalku ay sharciga ku tuntaan waxa laga filikaro:

“Haddii madaxdii dalka ugu sarreysay ay ku tomato dastuurka oo ay awoodaha kala baahsan ay faraha la gasho oo iyada aan shaqadeeda ahayn, barri ka maalin waxyaabo kale oo xun ayay ka shaqeyn kartaa, qodobbo muhiim ah oo dastuurka ku jiya ayaa haddii la rabo la laalikaraa, waxaan qabaa umadda Soomaaliyeed in arrinkan ay si fiican u fiiriso”

Waxa uu xildhibaanku xusay inaanuu Ilka Xanaf si goonni ah u difaacayn :

“Maaha  inaan difaacayno Caydiid Ilka Xanaf waana laga qaadi karaa, laakiin habka loo marayo inuu xalaal ahaado waaye, haddii habka dowladda lagu maamulayaa uusan xalaal noqonin wax kale oo ka yimaadda meesha xalaal ma noqonayaan taas waxay nagu celin doontaa fowdadii aan kasoo baxnay”.

Madaxweynaha ayuu usoo jeediyay talo ah, inuu khaladkiisa qirto baarlamaankana uu horyimaado:

“Guddiyada Dastuuriga ah in la dhiso waa wax fiican in si dhakhsi ah loo dhisana waa raacsanahay,  khaladkaan dhacay in la saxo waaye, arrinkaan haddey madaxweynaha u hirgasho taas macnaheedu waxa weeyaan kulligeen waxaan ku tumaneynaa kala dambeyntii iyo Dastuukii, ninkaan cusub ee uu magacaabay in dib loo eego oo la baaro inuu go’aan sharci uu soo saaray iyo in kale, madaxweynuhuna waa in baarlamaanka hortiisa uu ka qirto ama warbaahinta inuu khalad galay uuna ka noqday arrintaan”.

Sababta xil ka qaadista loogu soo beegay wakhtigan ayuu xildhibaanku sheegay; in qiyaastiisa ay la tahay in la doonayo doorashada soo aaddan in wax lagu boobo amaba ay suurogal tahay siyaasad xumo dhanka madaxtooyada ah, waana sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil ka qaadis ku sameeyay 4 May gudoomiyihii maxkamadda sare ee Soomaaliya, arrintaas oo dhalisay jawaab celin degdeg ah oo kala duwan, iyadoo dadka qaar ay ku tilmaameen mid sharci darro ah maadaama madaxweynuha aaney awoodihiisa ka mid ahayn xil ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda sare.

Goobjoog News