U bood dhigaalka

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh: Waddanku Waxa Uu Soo Maray 4 sano oo Khasaare ah, Haddana Waxa Uu Galay Mugdi Hor leh

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay Dekreetadii madaxaweynuhu ku meel mariyay hannaanka doorasho ee 2016, isagoo tilmaamay inuu dalku hadda mugdi hor leh sii galay.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka hadlay sida sharci darrada  u yahay go’aankii madaxweynuha:

“Madaxweynaha Xaq uma laha inuu Faragelin ku sameeyo habka loo galayaayo doorashooyinka mid toos ah ha noqoto ama mid dadban, awoodaha madaxweynaha oo ku qeexan qodobka 90aad ee Dastuurka meel ay kaga taallo ma jirto madaxweynaha ayaa saxiixaayo hanaan doorasho”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciiyay; “Runta haddii la sheegana cidda uu Dastuurku u ogolyahay iney doorashda kasoo taliso waa baarlamaanka, qodobka 47 ee Dastuurka ayaa qeexaya in baarlamaanku ay tahay inuu ka tala bixiyo iyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka uu guddi Dastuuriya ah”.

“Midda sadexaadna waa ku xadgudub weyn oo lagu sameeyay kala qeybsanaanta awoodaha sharci dejinta, Fulinta, iyo Garsoorka, markii in fulintu ay gacanta la gasho arrimo ku saabsan sharci dejinta waa qeyru-Dastuuri, waana wax laga xumaado in madaxweynuhu uu ku dhiirado inuu Dastuurka ku tunto, isagoo uu waajib ka saarnaa inuu dhowro Dastuurka”.

Xildhibaan xoosh ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay in dhibaatada Soomaaliya ay ka bilaabatay Todobaatameeyadii kadib markii dowladdii Siyaad Barre ay laashay Dastuurka bilowdayna iney ku shaqeyso warqado Dekreeto ah oo sidan oo kale usoo baxa.

Xildhibaanka ayaa ku tilmamay 4 sanno ee lasoo dhaafay khasaare isagoo sheegay in mugdi lasii galay:

“Waxaa dhibaato weyn ah inaan Afar sanno oo khasaare ah aan soo marnay haddana aan mugdi galeyno oo meel loo socdo aan la ogeyn, ninkii muddo 4 sanno ah la siiyayna inuu maanta u badheedhay in dastuurkii lagu soo doortay uu yiraahdo waxba kama jiraan, waa maalin mugdi ah runtii”.

“Wixii nabad keenaaya wax mashaakil ah maaha, waddankani waxa uu dagaal sokeeye u soo galay waa dhabbo xalaal ah looma mareyn ee waxaa la rabaa in wax waliba la musuq maasuqo, haddii Dastuurka la musuq maasuqo xagee la iskugu imaanaa barri kamaalin”.

Waxa uu xidhibaan Xoosh sheegay in aanuu caddeyn haynin, guddoomiyaha baarlamaankana aanuu meel cidle ah ka eedeyn Karin, waxaan rajeynayaa  inaanuu waxba ka ogeyn, maadama uu sharci yaqaan uu yahay, laakiin tuhunkaa xildhibaanno badan way qabaan, ayuu yiri xildhibaan Xoosh.

Mar uu ka hadalaya waxa xigi doona go’aanka madaxweynaha ayuu yiri; Go’aan waa la gaari doonaan laakiin hadda marabo inaan ka hor dhaco, wadatashi ayaa socda, waa inaan qaadanaa kaalinteenna, beesha Caalamka  Dastuurkaa ka weyn, haddii aanuu xitaa meel mar noqon waa inaan go’aan mideysan qaadanna, sidii khaladkaan dhacay ee dastuuriga ahna loo sixi lahaa.

Madaxweynaha Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan madaxweyne ku meel mariyay sharciga doorashda dadban ee 2016 kaas oo ay horey iskula gaareen madasha wadatashiga qaran.

Goobjoog News