U bood dhigaalka

Xildhibaan Jeesoow “Axmed Madoobe Cid Madaxweyne Dhihi Karta Malahan, Jubaland Cid Ugu Yeeri Karto Ma Jirto”

Sheeko:Dalka

daahir jeesoowXildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ah gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha gudaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay hadal shalay kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilli uu ku sugnaa magaalada Kismaayo, kaa oo ah in hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe loogu yeerayo Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubaland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Sheekh Axmed Madoobe iyo Beelaha dega gobalada Jubooyinka iyo Gedo ay ku heshiiyeen in maamulka KMG ee Jubba loogu yeero mamulkaasi, isna yahay hogaamiye, islamarkaana madaxweynaha aanu waxba ka bedali karin heshiis horay loo wada gaaray.

“Nin aan la dooran lama dhihi karo madaxweyne, Axmed Madoobe Lama dooran, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxba kama bedali karo heshiis la gaaray, baarlamaanka Soomaaliyeed maamulka Jubba ayuu u aqoonsan yahay, cidii Jubaland iyo Madaxweyne ugu yeerto Baarlamaanka ayaan ka wacaynaa” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesoow oo Wareysi siinayay Goobjoog Fm.

Dhanka kale xildhibaanka ayaa sheegay in ilaa iyo xilligaan aanu waxba ka dhaqan gelin heshiiskii dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubba, oo uu sheegay in ay fulin weysay xukuumada hadda talada wareejinaysa ee uu hogaaminaayay Cabdiweli Sheekh Axmed.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News