U bood dhigaalka

Xildhibaan Daahir Xasan “Dowladda Federaalka Ha Ogaato Marnaba Ma Ogolaan Doonno In Hiiraan Gobolka Kale La Raaciyo”

Sheeko:Baarlamaanka

Abuukaate Daahir Xasan Cabdi oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay u gudbiyeen in gobolka Hiiraan horay looga dhigay Labo gobol sidaa darteedna ay arrinkaasi ka diidday, isaga oo sheegay in marnaba aanay ogolaaneyn in  gobol kale ku biiraan.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa kasoo ka hor jeestay qorshaha hadda socda ee ah in Labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe la isku daro.

” Hiiraan waa lagu gardarooday, gardaradaa sixideedii ayaan ku jirnaa, marnaba ma ogolaaneyno in gobol kale raacno, annagaa isku filan oo gobol buuxa ah, dowladdu ha ogaato, siyaasiyiintu intaa ha ogaadaan oo ha nagu taageeraan rabitaanka shacabkeenna” ayuu yiri Xildhibaanka.

“Dastuurka Hiiraan oo kaliya muu qabanayaa goboladii kale oo dhan ay ka wada tillaabsadeen, kaas waxa uu yahay ma aqaano qodobada aad ka hadleyso laguma dhaqmin, waxaan ka mid ah gobolka Galguduud hadda loo bixiyay Galmudug, waxa uu ku dhisan yahay Gobol iyo Bar, Gaalkacayo wixii ka korreyay ee mudug ahayd waa la goostay, maxaa diidaya in Hiiraan laga dhigo labo gobol, iyadoo waliba la ogyahay in horey uu sheikh Shariif uga dhigay Laba gobol, haddii Hiiraan danteeda la fiirinayo, waxay ahayd in laba gobol laga dhigo, laakiin taas waa la is illowsiiyay, in gobolkeenna la noo ogolaado ayaan rabnaa, annagaa isku filan, waxa uu u dhigmaa laba gobol, dowladdu ha noo ogolaato inaan maamul buuxa nahay”ayuu hadalkiisa ku daray

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in odayaasha dhaqanka ay uga dambeeyaan reer Hiiraan go’aanka laga gaarayo arrinta maamul u sameynta, gogol ayaa taalla dib u heshiisiin ah si khilaafka yaryar ee gobolka ka jira loo dhameeyo, intaa ka dib loo soo gudbo aayo ka talinta oo aan diyaar u noqonno anagaa dowladda u yeeraneyna, ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray, abuukaate Daahir.

Goobjoog News