U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa “Goobjoog Sanadba Midka Ka Dambeeya Horumar Ayeey Ku Tallaabsaneysaa”

Sheeko:Dalka

Xildhiban Maxamed Cumar Dalxa oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga arimaha dibadda barlamaanka Soomaaliya aya sheegay in Idaacadda Goobjoog ay horumar gaartay mudadii ay shaqeynaysa.

Mudanaha oo hadal ka jeediyay munaasabadda loogu dabaal degayo sanad guurada Goobjoog ayaa tilmaamay in Goobjoog ay tahay Idaacadda kaliya ee kulmisa Barnaamjyo cid walba quseeya.

“Goobjoog Sanadba Midka ka dambeeya Horumar ayeey gaartaa, waxaan sheegayaa in Idaacadda ay tahay midda kaliya ee bulshada sida saxda ah ugu adeegta, waxaan idiin leeyahay halkiina kasii wada dadaalka” ayuu yiri Dalxa.

Ugu Dambeyn Xildhibaan Dalxa ayaa ugu baaqay Idaacadda Goobjoog iyo wariyayaasheeda in shacabka ay dalka Jecleysiiyaan, tusaanna in dalka uu yahay wadankooda.

Idaacadda Goobjoog ayaa maanta u dabaal degaysa Sanad guuradii Sedaxaad markii Idaacadda ay hawada kusoo biirtay.

Goobjoog News