U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa “Hala Soo Dhaweeyo Qoysaska Reer Yemen Ee Dalkeena Usoo Qaxay”

Sheeko:Baarlamaanka

Gudoomiye ku xigeenka guddiga arimaha dibadda baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cumar Dalxa ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay soo dhaweeyaan qoysaska u dhashay Yemen ee dalka kusoo qaxay.

Dalxa ayaa sheegay in dalal badan ay muwaadiniinta Soomaaliyeed markii ay u qaxeen dhibaato kala kulmeen, isaga oo carabka ku dhiftay dalalka Koonfur Afrika, Kenya, iyo Sacuudiga.

Waxa uu sheegay Dalxa in Yemen loo hayo abaal weyn oo ay u gurmadeen shacabka Soomaaliyeed xilli dhibaato xoogan ay ku sugnaayeen, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in dowladda Sacuudiga laga doonayo in degdeg ay ku bixiso diyadda muwaadiniin badan oo Soomaliyeed, kuwaasi oo ay ku dileen duqeyn xagga cirka ah.

Ugu Dambeyn Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay degdeg wax ugu qabato dadka Soomaaliyeed iyo kuwa u dhashay dalka Yemen ee kuso cararay dalka ka dib dagaal ka dhacay dalkii ay ku sugnaayeen.

Goobjoog News