U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa: Waa Cadaalad Darro Inaan Beelaha Qaar Lagu Darin Qeybsiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo weraysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa tilmaamay iney ahayn beelaha Jareerweyne in loogu daro qeybsiga Aqalka sare ee baarlamaanka dalka qeybta magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo aan la yeelanay wareysi ku aaddan qodobadii shirka madasha Baydhabo ayaa ugu horreyn ka hadlay aragtidiisa guud ee ku aaddan shirka:

“Baydhabo shirkii ugu dambeeyay ee odayaasha Soomaaliyeed, hoggaanka sare ee dowladda iyo kan maamul goboleedyadaba ay halkaasi ku wada arrin sanayeen aayaha iyo masiirka Soomaaliyeed, doorashada la filayo iney August dhacdo sidii loo waajihi lahaana ay talada inta badan ay socotay iyadu ay ajandaha ka ahayd qeybaha ugu muhiimsan, kii Soomaaliya isku keenaya ee dadnimo iyo midnimo looga gudbo waan soo dhaweynaynaa, waxa maanta Soomaaliya horyaalla intaas oo mushkilado ah mid waliba ay culeyskeeda leedahay”.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay iney jirto cabsi ah in dadka la doorto dad aan ahayn meesha la keeni karo; sidii dhacday sanadkii 2012 oo dad xafiisyo gaar ah ka socda la meel mariyay halka meel cidlo ah looga tagay dadkii sida saxda ahayd kusoo baxay ee loosoo xulay.

Xildhibaan Dalxa  waxa uu hambalyeeyay beelaha Banaadiriga xubnaha ay ka heleen aqalka sare ee baarlamaanka dalka, halka uu tilmaamay inay ahayd inaan laga tagin beelaha Jareer weyne oo si weyn u daga magaalada Muqdisho:

“Waan hambalyayneynaa walaaleheen Baanidiri ayaa la xusay, hadana Muqdisho umadda ku nool waa la is wada yaqaannaa, waxaan la illaawi Karin beelaha Jareer weyne oo xaafadaha qaar haddii aad sii marto deegaanno ah, xamar-Jajab ,Waabari, Boondheere eeg, xaafadaha madiina illaa meel waliba oo ay Soomaalida kala ay dagaan ayay iyaguna dagaan hadana lama tixgeliyo, iyagoo ah dadka shaqada cusub qabta, marka wax la qeybsanayo ma arkaysid in loo doodayo oo la leeyahay war dadkaana aan iska ilaalinno xaqooda”.

Waxa uu xildhibaanku sheegay in dad wax lagu siiyo iney qaylo badan yihiin dad kalena looga tago inaaney hadlin, cadaalad daradaasina ay tahay midda ay ka digayaan, dalku maanta meesha uu joogo gaarsiisay.

Si kasta, shirka madasha wadatashiga Baydhabo ayaa lagu go’aamiyay in beelaha Baanaadiriga labo xubnood loogu daro qeybsiga aqalka sare ee baarlamaanka dalka

Goobjoog News