U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa oo Sheegay iney Lusaka Kula Kulmeen Dalal Afrikaan ah oo Qirsan Inaan Soomaaliya loo Abaalgudin

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar  Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News isagoo jooga Lusaka ayaa ka warbixiyaya shirka baarlamaanada Adduunaka iyo waxyaabihii ay la tageen wafdigii ka socda Baarlamaanka federaalka ee ka qeyb galay shirka.

Baarlamaanka Adduunka ayaa kalfadhigiisii 134aad ku yeeshay caasimadda dalka Zambia ee Lusaka, waxaa kasoo qeyb galay ku dhawaad 640 xildhibaan oo ka kala socday 126 dal oo dunida oo dhan ah.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka warbixiyaya Ajandayaashii muhiimka ahaa ee lagu lafa guray,  waxaa kamid ahaa, ayuu yir; amnidarada adduunyada kusoo saa’iday iyo argagixisada Caalamiga ah oo meel kasta dab ka shidan yahay, iyo waxyaabaha ka danbeeya ayaa baarlamaanka looga dooday, waxaase lagu kala duwanaa waxyaabaha argagixisada dhaliyay.

Ra’iyigii la soo jeediyay waxaa kamid ahaa in argagixida ay dhalisay dowladda Isra’il iyo adduunweynaha oo ku eegtay dhibaatada ay ku hayso shacabka reer Falastiin, dad kale waxay soo jeediyeen in dhalinyarada kaalintii ay la haayeen ay ka waayeen dowladahooda, taas oo dhalisay iney dad badan oo dhalinyaro ah caro darteed ay naftood hurayaal isku bedaleen, waxaana laga dooday in mushkiladdan caalamiga noqotay loo baahan yahay in lasoo afjaro.

Waxaa kale oo laga hadlay  siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada oo siyaabo kala duwan looga hadlay, iyadoo si gaar ah xoogga loo saaray haweenka iyo dhalinyarada oo bulshda laf-dhabar u ah, iyadoo dhalinyarada la siiyay muhiimad gaar ah oo lagu dhiirri geliyay iney ka qeyb qaataan siyaasadda Dunida.

Xildhibaan Dalxa ayaa xusay iney ajandayaashaas oo dhan ay shirka horyaalleen isla markaana iyagu kolba kaalinta uga aaddan ay ka qaadanayeen, isla markaana khudbaddii Soomaaliya ay shirka ka jeediyeen, taas oo taabaneysay arrimo farabadan oo ku saabsan danaha Soomaaliya.

Xildhibaanku waxa uu yiri Soomaaliya waxay u baahan tahay in la taageero, in ciidankii la dhiso, dhaaqe ahaan, lojistiko ahaan, qalab ahaan la dhiso, si loo hanto nabadgalyada, ciidamadan kale ee dibadda ka yimid aaney noqon in laga dhigo sida kuwo illaa waligood Soomaaliya joogaya.

“Waxaan aragney dadal badan oo runtii Soomaaliya arrinkeeda si wanaagsan uga gubanayay, Kongo, Namibia, Zambia, Koonfur Africa, Simbabwe,  kuwaas oo dhankooda ay leeyihiin Soomaaliya dal aan loo abaal gudin ayaan u arkeynaa, dowladihii xorriyadda nasoo gaarsiiyay ayay Soomaaliya kow ka ahayd, waxay sheegeen iney diyaar la yihiin iney Soomaaliya garab istaagaan iyo iney wax la qabsadaan, waxayna yiraahdeen waxaan dooneynaa inaan abaalkii gudno, waxaaney naga codsadeen in loo diro dadkii wax ka dhaadhicin lahaa, gudbin lahaa baahidooda” ayuu yiri xildhibaan dalxa.

Xildhibaanka ayaa waxa uu si gaar ah uga warramay iney Zambia  kusoo arkeen gacansato Soomaaliyeed oo si wanaagsan uga shaqeysanaysa oo warshado waaweyn oo illaa 8 gaaraya ku leh , buqolaal gawaari oo waaweynna ay uga shaqeyso, sida Maxamed Cali Mursal oo ah dhalinyaro iyo Owgeeddi oo si weyn looga yaqaanno dalka Zambia, waxa uu xildhibaanku ku ammaanay Soomaalidu in meel kasta oo ay joogaan ay ka shaqeystaa, isagoo ku calaacalay haddii dalku nabad ahaan lahaa, warshadahaas waxaa in la keeni lahaa Dalka.

Shirkan Baarlamanada Adduunka ayaa lagu soo gabagabeeyay dalka Zambia shalay 23 Marso, waxaa lagu soo saaray qodobo ay ku jiraan , cambaareyn qaraxyadii Brussels, iyo baaq  loo jeediyay adduunyada xakameynta  sababaha argegixisada, in dhalinyarada la siiyo cod iyo iney sameyn ku yeeshaan go’aanada siyaasadeed, mustaqbal wanaagsan loo rajeeyay.

 

Goobjoog News