U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa “Safiirada Cusub Ee Dowladda Soomaaliya Waxay Ku Dhisanyihiin Caddaalad Darro”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog New ayaa ku  tilmamaay safiirro ay dhawaan xukuumaddu magacowday kuwo hab qeybsiga cadaaladda dalka ka fog.

La iskama magaabi karo safaarado la iskama magacaabi karo howlwadeenno aan wax sharci ah ku fadhin, haddey noqoto midka siyaasadeed ama midda khaaska ah, wasaaradda arrimaha dibadda iyadoo naftarkeeda ayaa is qabqabsi ka jiraa, ayuu yiri xildhibaanku.

Howlwadeenada kale, sii hayayaasha ama qunsulladaha waxaas oo dhan ayaa u baahan in la lafaguro dib u habeynna lagu sameeyo, waxa uu yiri kuwa malaayacniga u jooga ee cidda ay matalaan aan la garaneyn oo dhowr wasiir iska soo daba magacowday, shuruucdii sidii ay ahayd loogu dhaqmin, haddii loo qabadsii lahaa , waxaas oo dhan waa wax noo qoran oo aan ahayn afka dhihid , laakiin ay fulinteedu ahayd in xukuumadda iyadu dabaqdo, madaxduna ilaaliso, ayuu sheegay.

“Magacaabista waxaan u aragnaa mid ka fog cadaaladda in mujtamaca kale ee Soomaalida iney ay helaan xaqa awood qeybsiga ee la hor istaagan yahay ee aad moodo in laga hor istaagan yahay ee aad mooddo haba yaraatee sida loola dhaqmayo ay tahay wax ka baxsan wixii noo qornaa oo ahayd in muwaadiniinta Soomaaliyeed si xaq ah wax loogu qeybiyo, laakiin haddii ay noqoto in dad si gaar ah loogu roonaanayo, lana doonayo in lagu fushado amuuro gaar ah ama ha noqoto mid xigsiisan ah oo qaabiil loogu xigsanayo ama mid kooxeed ama mid saaxiibtinimo, taa waan ka soo horjeednaa” waana sida uu hadalka u dhigay.

Dadka Soomaaliyeed waxaa u sheegaynaa cadaalad darro inaaney ogolaanin, hay’adaha dastuuriga ah la sumeynin, waxa uu yiri; dalka Burburka ku dhacay waxaa loo eedayaa cadaalad darro keentay burburka dalka dhowr iyo labaatan sanno, dadka yaan loo celin meeshii laga yimid.

Xukuumadda ayaa magacawday safiiro cusub 17 Marso oo illaa  lix safiir gaaraya,  dalalka ay matali doonaan laga sugayo madaxweynaha Soomaliya.

Goobjoog News