U bood dhigaalka

 Xildhibaan Dani “Isbedel ayay dadka Soomaaliyeed Doonayaan Anna Kaas Ayaan Rabaa Inaan Hoggaamiyo”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Saciid Cabdullaahi Dani oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay inuu u taagan yahay qabashada xilka ugu sareeya ee Villa Soomaaliya.

Xildhibaan Dani waxa uu ugu horreyn ka hadlay inuu yahay musharax:

“Waxaan ahay mas’uul hore, haddan waxaan ahay xildhibaan Soomaaliyeed, walina waxaan diyaar u ahay umaddayda inaan u shaqeeyo, maadaama 2016 ay tahay wakhtigii doorashada madaxtinimada, waxaan goostay inaan ka mid noqdo musharixiinta u taagan xilkaas, si aan shaqadii umadda aan u hayay aan usii laba laabo, waxaan diyaar u ahay inaan si wanaagsan oo daacadnimo ku jirto ugu adeego dadkeyga”.

Waxa uu sheegay in uu yahay marxaladda soo socota qofkii ugu habboonaa ee dalku u baahnaa:

“Xilku waa mid muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhani ay xaq u leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee doonaya iney umadooda u shaqeeyaan waxaa la doonayaa iney isasoo bandhigaan, xildhibaanada wax dooranayaana iyagaa garan doona sifooyinka ay u baahan yihiin, laakiin marka aan naftayda qiimeeyay oo aan dhageystay talooyinka dadbadan oo saaxiibbo ah, waxaan is leeyahay marxadda soo socotay inaan ahay qofkii ku habboonaa, sidii looga shaqeyn lahaa midnimada Soomaaliya, adkeynta nabadgalyada iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed”.

Xildhibaanku waxa uu ballan qaaday inuu ku dhaqmi doono Dastuurka iyo waxay umaddu ku hashiiso marnaba aanuu hareer mari doonin:

“Barnaamijkayga siyaasadeed waan soo bandhigi doonaa goor dhaw faah faahintiisa, Dastuurka ayaan ku ekaan doonaa mana ku xadgudubi doono waxay Soomaali ku heshiisay ayaan ku ekaan doonaa, is beddal ayay dadka Soomaaliyeed doonayaan anna kaas ayaan rabaa inaan hoggaamiyo”.

Guddiga doorashooyinka hadda jiray ayuu ku tilmamay kuwo ay dad gaani ah ay soo xusheen, hadana looga fadhiyo iney noqdaan dad mas’uul ah:

“Guddi doorasho waa inuu dhax dhexaad u ahaadaa dadka doorashada galaya, waa guddi lagu soo xulo karti, aqoon iyo hufnaan lagu yaqaanno iyo ineysan qeyb gaar ah u xaglineyn, waxaan nasiib darro ah in la isku dayay markii horeeto wasiiradii xilka hayay in guddi laga qaaday, markii laga hadleyna shaqaalihii xafiisyada ee xafiisyada gaarka ah ee madaxda dowladda ka shaqeynaysay in halkaas lagu soo daro, runtii arrintaa dadku way u jeedaan, waana arrin aan runtii ku habbooneyn in dadka Soomaaliyeed marxaladdan kala guurka looga saaro, laakiin waxaan diyaar u nahay xaalad kasta oo dalka ka jirta inaan la mucaamilno, waxaan rajeynayaa; qofkii soo doonrtay sabab kasta u doorto, iney noqdaan dad mas’uul ah oo dalka gaarsiiyo doorasho xor ah oo xalaal ah”.

Dabayaaqada sanadkan 2016  ayaa loo ballansan yahay iney dalka ka hirgalaan doorashooyinkii baarlamaanka sare iyo kan hoose iyo waliba tan madaxtooyada oo isasaaran, iyadoo doorashadan lagu tilmaamay iney tahay tii ugu muhiim saneyd ee dalka soo marta.

Goobjoog News