U bood dhigaalka

Xildhibaan Dhuux “Waan Ka Gaabinnay Waajibkii Na Saarnaa”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanada ay ka gaabiyeen waajibaadkii saarnaa ee looga baahnaa inay qabtaan.

Waxa uu tilmaamay in Baarlamaanka laga doonayay in ay dalka gaarsiiyaan hiigsiga 2016-ka, islamarkaana aysan kasoo dhalaalin waajibaadkii laga doonayay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in markii la arkay waajibaadkii Baarlamaanka Soomaaliya saarnaa oo sidii loo baahnaa aanu usocon ay soo farageliyeen muwaadiniintii kale ee Soomaaliyeed, taas oo uu kala jeeday shirkii madasha watashiga ee shalay magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

“Wadankii oo dagaal ka socda inay isku mashquulaan baarlamaanka iyo madaxdii kale waxaa keenay Waajibaadkii aan gudan weynay, waxay faraha la galeen mudanayaasha qaar shaqooyin aan shaqadooda ahayn, waajibaadka annaga ayuu na saarnaa, annaga ayaa nalaga rabay in dalkaan aan gaarsiinno hiigsiga 2016-ka, taas ayaa keentay in howshii nalaga rabay lasoo fara geliyo”

Xildhibaan Dhuux ayaa sidoo kale sheegay in hadda baarlamaanka weli uu haysto waqti uu shacabka Soomaaliyeed uu wax ugu qaban karo, islamarkaana mudada u dhiman ay dhabarka xirtaan, una istaagaan sidii ay u meel marin lahaayeen sharciyada horyaalla.

“Waxaan dhageysannaa rag kuraas iyo qabyaalad doonayo, waqtigana meeshaas ayaa nalooga lumiyay, waxaan leeyahay hadda aan fulinno waajibaadka na saaran, waxaan haysannaa waqti, aan shacabka u adeegno, aan kasoo dhalaalno waajibkeena” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay xildhibaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa mudada u harsan in uu qabto shaqooyin badan, sida meel marinta Hidndise sharciyeed badan oo dalka muhiim u ah.

Goobjoog News