U bood dhigaalka

Xildhibaan Federaalka ka tirsan oo Muqdisho Ku Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Saadaq Cabdikarim Maxamed oo sida la sheegay muddo ku xanuunsayey magaalada.

Geerida Xildhibaanka waxaa Goobjoog News u xaqiijiyay xogheynta golaha shacabka, waxaa hadda socda qabanqaabada duugta Xildhibaanka.

Xildhibaanka Adeerkii Xaaji Ciise Cadaan oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu da’diisa ku qiyaasay 50 jir, isagoo ku dhashay gudaha Krnya, waxaa uu ku sheegay in uu aqoonyahay ahaa iyo Xildhibaanka ka titsan Federaalka.

Xildhibaaka geeriyooday waxaa uu xanuunsanaa muddo hal sano ah, waxaa uu ifka kaga tagay Hal xaas iyo 6 Caruur ah, waxaana lagu aasayaa qabuuro ku yaala Madiina.

Goobjoog News