U bood dhigaalka

Xildhibaan Federaalka oo Madaxda Soomaalida Ku Eedeeyay In Maslaxadooda Ay Ka Hormariyaan Midda Qaran

Sheeko:Baarlamaanka

Maxamed Iidle Geedi oo Goobjoog News u waramay ayaa sheegay in wufuudda shirka Kismaayo ay bilaabeen in ay iska kala tagaan, shirkana uu qarka u saaran yahay in uu burburo

Maxamed Iidle Geedi oo ka mid ah Xildhibaanada ku sugan Kismaayo ayaa  intaa ku daray in ceeb tahay in Soomaalida heshiin weyso oo beesha caalamka ay soo kala dhexgasho.

Xildhibaa Iidle waxaa uu ku dhaleeceeyay in madaxda Soomaalida oo boorsooyinkii qaatay oo go’aansaday in ay iska kala tagaan uu yimid safiirka Imaaraadka oo ka socda beesha caalamka

Xildhibaanka waxaa uu ku dooday in hogaamiyaasha Soomaalida uu mid walba u yimid maslaxadooda gaarka ah oo xitaa mar uu ku fakiray maanta yaa kaa saaro Soomaalida kadib markii uu arkay sida ay u dhaqmayaan madaxda Soomaalida.

Xildhibaanka waxaa uu ugu dambeyn rajo xumo ka muujiyay shirka, isagoo sheegay in talada Soomaalida haya aanay Maskax fiican laheyn oo loo baahan yahay in dalka uu ka dhaco isbadal ka fiican midka hadda jira.

Goobjoog News