U bood dhigaalka

Xildhibaan Fiqi Oo Ka Hadley Kulankii Amniga, Hadalkii Madaxweynaha iyo Arrimo kale, Wareysi

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka  Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News, kana warramay shirkii shalay su’aalaha lagu weydiinayey madaxda hey’adaha amniga ayaa waxa uu xusay in su’aalihii la weydiiyey hey’adahaasi qaarkood ahaayeen kuwoo lagu qanci karo halka qaarna aan lagu qancin.

Xildhibaan Fiqi oo arrinkan ka hadlayey waxaa uu yiri“ Kulanku waxa uu ahaa kulan waayahaan  oo dhan carabka lagu hayey oo buuq badan ka dhaliyay Baarlamaanka. waxaana la sii shaaciyey in kulan albaabada ay u xiran yihiin oo saxaafaduna dibad joog ka tahay su’aalo lagu waydiinyay Taliyayaasha ciidamada afar taliye iyo ku xigeennadooda iyo labada wasiir gaashaandhiga iyo wasiirka amniga iyo labada wasiiro ku xigeenadooda intaas kulan laysugu keenay ay joogeen, Xildhibaanaduna ay ku weydiinayeey su’aalo xor ah oo furan, amniga, amni darrada jirta iyo talooyinn lagu siinayay amniga, waxa ay bixinayeen jawaabo kuwaas oo lagu qancayay iyo kuwo aan lagu qanceyn qaarna lagama jawaabin oo dib ayeey ula laabteen”.

Sidoo kale Xildhibaanka oo hadalkiisa  sii wato ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Muqdisho dowladda in badan ay u soo samreen, canshuurana ay bixiyaan taas badalkeedana loo baahan yahay inay helaan adeegyada ay u baahan yihiin oo amingu ugu horeeyo iyo isku socodka loo fudeeydiyo.

Xildhibaan Axmed waxaa uu yiri “Shacabku, waxa ay dalbanayaan waxaa weeye maadaama ay yihiin  canshuur bixiyayaal ay yihiin kuwo dowladduna ay la noolyiin ay magan galiyeen, waxa ay mudan yihiin  in dadka  loogu badalo adeeggii  iyo  ay ku muteysteen, waajibkii ay guteen ayey mudan yihiin, marka waxaan leenahay dadka Muqdisho deggan waa ay soo dulqaateen wax bandanna waa ay u soo dulqaateen”.

Dhanka kale Axmed Macalin Fiqi ayaa soo qaatey hadalkii Madaxweynaha Jamuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaayo uu ku sheegay in 20 ruux ay qasayaan magaalada waxa uuna sheegay in ayaan darro ay tahay inuu sidaa ku hadlo madaxweynihii dalka ayadoo shacabkii dhiigooda daadanayo.

“Waxa ay aheyd ayaan darro inuu iska aamusnaado  markii dadka ay dhibaatada haysto markuu soo baxana uu ku hadlo hadalo xanaf leh, oo aan daawo aheyn la soo baxo oo ma aragtay si kulul uu caroodo, waxaa mudnaa dadkaas dhibaatada haysato inuu uga garaabo, dadka reer Muqadisho dhibaatada soo gaartay  dilka iyo dhaawaca laysugu daray intuu asagu madaxweynaha ahaa dhibaatada dadka hoostooda ku soo gaartay 5000 qof ka badan ayaa dhimatay dhaawcyo badan ayaa reero soo gaaray waxaa burbur-burtay hanti aad u fara badan”. ayuu yiri Fiqi

Ugu danbeyn Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa halkiisa ku soo gabagabeyay in dadka maanta dhibban inay yihiin dadkii shalay u soo banbaxay madaxweyne Farmaajo markii la doortay, mana jirin shacab cid qasabtay, ma ahan markii ay dareenkooda muujiyaan in la ciqaab markii ay taageeraana lagu faano.

“Dadku waa dadkii asaga uu ku faraxsanaa, waa dadkii wax ka dhigay, markii ay taageersan yihiin oo qadyaadka uu wato ay ka hadlaan inuu ku faano, marka ay cabiraan dareenkoodana ciqaabta jamaaciga ah ay galiyeen labadii sano ee la soo dhaafay markii ay cabiraan ay ka jawaab celiyaan inuu dadkaan, xaqa ay dalbanayaan iyo dhibatada ay ka gubanayaan”.

Goobjoog News