U bood dhigaalka

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf “Jawaari Ma Ahan Xaakim Ee Waa Afhayeen”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa si kulul uga hadashay go’aankii kasoo baxay guddonka baarlamaanka, kaasi oo ahaa in wada hadal laga galayo mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa ay sheegtay in gudoomiye Jawaari aanu ahayn gudoomiye Maxkamadeed, islamarkaana uu yahay Afhayeenka Baarlamaanka, uuna hareer maray shaqadii loo dhiibay.

“Ma laali karo mooshinka, 93 xildhibaan ayaa soo gudbiyay, xildhibaanada dhahay waan ka laabanay waxaasi waa iska hadal, waxa taagan waxa weeye gudoomiyaha baarlamaanka ma laali karaa, isaga xaakimkii ma ahan, waxaa leh taas maxkamadda ama hadii ay jirto maxkamadda Dastuuriga ah, isaga waa inuu gudbiyo oo kaliya, isaga waxaan ka yeelnay si aanu dalka qalqal u gelin wada hadal, laakiinse ma ahayn inuu wax laalo ama wax la mid ah sameeyo”

Fowsiya ayaa sheegtay in xildhibaanadii sheegay in laga been abuurtay saxiixooda mooshinka ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu sii fogeeyo mooshinka waa sida ay hadalka u dhigtay.

“Laba xildhibaan ayaa dhahay anaga waa nalaga been abuurtay, laakiinse waxaa yaalla cadeymo ah in ay qeyb iyagu ka yihiin xildhibaanada keenay mooshinka, waana qorshe la doonayo in mooshinka lagu sii fogeeyo”

Waxay sidoo kale sheegtay xildhibaan Fowsiya in markii hore ay guddonka baarlamaanka ka aqbaleen wada hadal, taasina micnaheedu ahaa in la xalliyo qaladaadka ay sheegayaan mudanayaasha mooshinka ka keenay madaxweynaha.

“Wada hadalka annaga ayaaba ogolaannay, madaxweynahana wuu ogolaaday isaga ayaaba codsaday, waxa laga hadlayo waxay ahaayeen qaladaadka aan sheegnay in wadanka lagu saxo, qaarkood waa la saxay oo waan aragnay, marka baarlamaanku waxa weeye sharci ilaaliyaha, hadii aan wixii qalad ah ka hadal waxaan ahaaneynaa calooshood u shaqeystayaal meel fadhiya”

Ugu dambeyn ayeey xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan waxa ay hoosta ka xariiqday in wixii maanta ka dambeeya aysan jiri doonin cid uu la xisaabtami karo baarlamaanka, sababtuna waxay ku sheegtay in gudoomiye Jawaari uu ku xadgudbay sharcigii.

“Maanta ka dib madaxweyne, Ra’iisul wasaare ama cid dalka dambi ka gashay sharciga laguma qaadi karo, sharcigii umadda Soomaaliyeed waa la dumiyay, baarlamaan dambe cidi wax ma weydiinayso, Jawaari sidaas ayuu ku taliyay” ayeey hadalkeeda kusoo gabagabeysa Xildhibaan Fowsiya.

Goobjoog News