U bood dhigaalka

Xildhibaan Gaarane: Dowladda wax wayn ayaa u qabsoomay labadii sano ay jirtay

Sheeko:Dalka
Xildhibaan Cabdi Naasir Gaarane
Xildhibaan Cabdi Naasir Gaarane

Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guulaysatay tan iyo intii ay jirtay ee labada sano wax ka qabashada arimo ay ka mid yihiin isku dheellitirka mushaarka shaqaalaha dowladda.

Xildhibaan Cabdi Naasir Gaarane ayaa sidoo kale sheegay in dowladda meel ay saartay sida uu warka u yiri mushaarka ciidamada dowladda.

Mar uu wareysi siiyay Goobjoog FM ayuu sheegay xildhibaankan in dowladdu suurta gal ay tahay in wax badan isbedel ku samayso labada sano ee u harsan.

Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo beegmay xilli dowladda uu madaxwaynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ay labo sano jirsatay.

Qaar ka tirsan Shacabka Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay wixii u qabsoomay dowladda iyo wixii ay ku guul dareysatay.

Hoos ka dhageyso codka Xildhibaan Cabdi Naasir Gaarane: