U bood dhigaalka

Xildhibaan Gaarane: Dowladdu way ka gaabisay joojinta dagaalka Deefow

Sheeko:Dalka
???????????????????????????????
Cabdinaasir Gaarane

Xildhiban Cabdinaasir Gaarane oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda ku dhaliilay in ay ka gaabisay wax ka qabashada dagaalada ku soo noq noqday deegaanka Deefow.

Mudanahan ayaa sheegay in marar badan la isku dayay wax ka qabashada dagaalladan salka ku haya arrimaha qabaa’ilka hase ahaatee lagu guul daraystay.

Mar kale ayuu ku baaqay xildhibaankan in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u istaagto wax ka qabashada dagaaladan dhiiga badan ku daadanayaan.

Xildhibaan Gaarane oo la hadlay GoobJoog FM ayaa ugu baaqay dolwadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu hogamiyo madaxwayne Xasan Shiikh Maxamud in ay u istaagto wax ka qabashada dagaal beeleedyada ku soo noq noqonaya deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in hadii ay ka go’antahay dowladda joojinta dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deeganada Deefoow iyo Kabxanleey ay ku joojin karto iyada oo amar siisa ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Dagaalkii shalay ayaa sababay dhimashada shan qof iyo dhaawaca 10 kale.