U bood dhigaalka

Xildhibaan Geelle: Doorashada Galmudug Waxay Ku Dhaceysaa Waqtigeeda

Sheeko:Dalka

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa sheegay in ay dhammaatay waqtigii loogu talogalay iney wada hadlaan Ahlu-sunna Waljameeca iyo maamulka Galmudug.

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle, Gudoomiyaha Guddigan oo wareysii siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in hadda lasoo gaaray waqtigii ay u dareeri lahaayeen dhameytirka doorashada.

“Dedaal badan ayeey ku bixisay dowladda Soomaaliya wada hadallada, waxay ahayd marka in marka ay wada hadallada soo gaarsiiyaan heer la is hor fariisan karo in Labada dhinac ay si toos ah isku ag fariistaan,  illaa hadda lama gaarin mana aanay dhicin heer is hor fariisad ah, marka warbixintaasi natiijadeeda waxa ku saabsan  iyo wixii ay ku dhammaatay waxaa laga filayaa in dowladda ay ku dhowaaqdo, laakiinse kama hor dhacayo, balse waxaa lasoo gaaray xilligii aan doorashada dhameystirkeeda u dareeri lahayn” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale xildhibaan Geelle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya heshiiskii ay la galeen aanay kamid ahayd in doorashada Galmudug ku xiran tahay wixii kasoo baxa shirkaan, balse 30-ka bishan ay dhici doonto doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

“Jadwalka aan ku dhaqmi doonno waa sidaan horeyba kugu sheegay waa dhammeystirka wixii inoo dhimanaa, marka waxa inoo dhiman waxay ahaayeen maalin aan ugu talogalnay in musharraxiinta ay doodaan haddii fursad loo helo, shaqada ku xigtana waxay ahayd in musharraxiinta ay barnaaamij siyaasadeedkooda kasoo jeediyaan baaarlamaanka, maalinta 30-ka ay tahayna doorashada ayaa dhici doonta” ayuu yiri Geelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waddey dedaal lagu wada hadalsiinayo maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca oo xubnaha wada hadalka u matalaya ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Goobjoog News