U bood dhigaalka

Xildhibaan Goodax “Madaxweynaha Waxaa Lagu Eedeeyay In Uu Jebiyay Dastuurka Qaranka”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan mudanaaashii geyay mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faah faahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyay uljeedka mooshinkaasi iyo waxa ay madaxweynaha ku eedeynayaan.

Xildhibaanka oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in mooshinkaan oo ay geeyeen 91 mudane ay sharciga cuskanayaan, waxaana uu tilmaamay in madaxweynaha waxyaabo badan lagu soo eedeeyay.

“Madaxweynaha Kalsoonideena ayaan ku doorannay, hadii uu shaqadii loo dhiibay uu kasoo bixi waayana xilka ayaan ka qaadeynaa” ayuu yiri Xildhibaan Godax.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa mar uu ka hadlayay qodobada madaxweynaha lagu soo eedeeyay ayaa waxa uu sheegay in ay ugu weyn tahay jabinta Dastuurka dalka u yaalla iyo arrimo kale.

“Tani talo soo jeedin ma ahan ee waa xil ka qaadis, madaxweynaha waxaa lagu eedeynayaa inuu jabiyay Dastuurkii dalka u yaallay, waxaa kaloo lagu edeynayaa madaxweynaha in uu jabiyay dhanka xuquuql insaanka, musuqmaasuq, daryeel la’aanta ciidanka iyo waxyaabo kale, sidaa darteed mooshinka guddoonka baarlamaanka ayaa loo gudbiyay” ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa gacanta ku haya mooshinkaan ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ay keeneen in ka badan 90 mudane.

Goobjoog News