U bood dhigaalka

Xildhibaan Goodax Oo Madaxweyne Xasan Sheekh Ku Eedeeyay Gadoodka Odayaasha Dhaqanka Hiiraan Ee Shirka Jowhar

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo wareysi Gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu mas’uul ka yahay gadoodka odayaasha Hiiraan ee Shirka Jowhar.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka hadlay kaalinta xildhibaanada ee shirka Jowhar “Xildhibaanada kaalintii ugu wanaagsanaa ayey ka qaateen , waxay dhirri geliyeen markii hore in labada gobol la isku daro, laakiin waxaa soo baxday dhibaato aad u weyn oo ah in la rabo Hiiraan in wax lagu raaajicisto, maqaamkii iyo mudnaantii  uu lahaa gobolkaasi iyo dadka degan inaan marnaba tixgelin looma sameyn, oo aad mooddo mashruuc gaar ah oo ay dad wataan in lagu fushanaayo markaas ayey arrintii hallowday,  kaalintii xildhibaanadu lahayeenna ay wiiqantay, xildhibaanada kaalintoodu waxay ku uruurtay in ay odayaasha kaabayaal u noqdaa”.

Dib u dhaca maamul u sameynta shirka ayaa waxa uu si toos ah ugu eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh;” madaxweynuhu waxa uu meel fagaare ah ka caddeeyay cidda uu rabo inuu boqro, waxa uu  sheegay in Buulo-Borde uu rabo inuu ka dhigo magaalo madax, dadkana wey u muuqataa inaaney noqoneyn oo Jowhar doonayo iney noqoto meesha lagu sii shaqeynayo, waxa u warqad ku soo saaray in gogosha noqneyso Jowhar, waxa dadka ka heshiiyeenna maaha waa wax uu isagu go’aan ka gaaray, marka haddii madaxweynihii go’aan ka gaaray cidda madax noqoneysa iyo meesha Caasimadda noqoneysa iyo meesha noqoneysa gogosha iyo cidda Contoragyada qaadaneysa oo la shaaciyay, taas ayaa kuu caddeynaysa inaan meel cidle ah laga cabaneyn”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhowr shir uu ka qeyb galay oo ku saabsan arrimaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe laakiin markastaba madaxweynuhu sida uu isagu wax u arko uun wax u socodsiinayay.

Waxa uu xusay in furintaankii shirka Jowhar loo wada dhamaa, cabashada jirtana madaxweynaha la hordhigay,waxa uuna sheegay ;ayuu yiri,  in Cadaalad wax lagu qeybin doono, laakiin markii shaxda saami qeybsiga la soo saaray ayaa waxaa soo baxday sida gurrucan ee ay damcsanaayeen, cadaalad darro ayaa keentay iney odoyaashu gooni u istaagaan.

Waxa uu sheegay in wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa uu joogo Baladweyne, xaqna uu u leeyahay oo ay tahay dhul Soomaaliyeed, laakiin ay odayaashii weli la kulmin maadaama ay Jowhar isku soo fahmi waayeen isla marakaana aaney suuragal ahayn iney meel kale isku fahmaan, laakiin ay tahay in Madaxda Sare ay dadka u tagaan waa haddii ay qadarini jirto ayuu yiri xildhibaan Goodax.

Xildhibaanka ayaa waxa uu ka warbixiyay wafdi ka tirsan Qaramada Midoobay oo shalay kula kulmay magaalada Baladweyne odayaasha dhaqanka, isagoo xusay iney odayaashu ka codsadeen wafdiga in marka hore ay sameeyaan dib u heshiisiin, colaado badan oo sokeeya ayaa gobolka ka socda ugu horreyn in colaadaha la soo afjaro, markaa kadibna ay ka xaajoodaan iney gobol ku darsadaan iyo in kale.

Odayaashu waxay rabaan iney dadku wada hadlaan, maamul kastaa oo soo dhismayna dadku iyagaa wadahadlayay, Baydhabo dadkii fadhiyay dowladda ma dhex fadhin waxna uma qeybin, Dadkii deegaanka ayaa wax isla ogolaaday oo wax qeybsaday, Kismaayo sidaas ayay ahayd, Cadaado sidaas ayay ahayd, dadka lama kala celineyn.

Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa madashiisu ka furan tahay magaalada Jowhar, isagoo la furay 12 Febraayo, laakiin illaa hadda aaney jirin wax horumar muuqda oo shirkaa laga sameeyay, maadaama ay gadoodeen qaar ka mid ah odayaashii degaanka ee maamul goboleedka dhisanayay.

Goobjoog News