U bood dhigaalka

Xildhibaan Goodax “Si Dalka Loo Badbaadiyo Waa in Doorashada Laga soo Hormariyaa Bisha August”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdallaahi Goodax Barre ayaa Talaadadii Baarlamaanka Federaalka ka hor sheegay in dalku uu waajahayo xaalado ammaan darro oo baahsan, waxa uu tilmaamay in waddanku aanuu gaari Karin bisha August oo uu yiri xaaladdii amni ee bishaas lagu gaari lahaa waddanka kama jirto.

Waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “wasiirku waxa uu noo yimid isagoon aan wadan taliyaashiisa, waxaana muuqata in taliyaashiisu ay ku gacan sayreen, wasiirku namuu oran laakiin dad siyaasiyiin ah ayaan nahay oo waan fahmi karnaa, waxaan xoghoose ku haynaa in xitaa golaha wasiirrada ay tagi waayeen oo shan mar inta golaha wasiirradu u yeereen ay tagi waayeen, taliyeyaasha iyo wasiirkuba inaaney is haysan way noo muuqataa”.

Waxa uu yiri; waxaan jeclaan lahaa inaan ka dhawaajiyo arrin yar, waxaan na haystay fashil siyaasadeed, waxaa muddo na haysta musuqmaasuq baaxad dhaafay, hadda waxaa muuqata in amnigiina uu fashilmay, waxa laga hadlayo waa bishii Juun illaa hadda waxay ciidamadu soo banneeyeen aagag aad muhiim u ah oo jiritaanka amniga Soomaaliya muhiim u ah, sida; Tooratoorow, Kuntuwaarreey, Qoryooley, Leego, Balli doogle,  wallaweyn, Jannaale, Marka Buufow, Shalanbood, waxaa la qabsaday meel afgooye u jirta 10km, afgooyana maalin dhaweyto ayaa lasoo weeraray,aagaas oo idil.

Waxa uu sheegay inuu culeys weyn saaran yahay aagagga Buulobarde, Jalalaqsi, Mahadaay, Jowhar, iyo dagmada Afgooye, waxaa weerar ku socdaa magaalada Xamar, waxaan warbixinta ku haynaa, ayuu yiri, 64 qarax bishii Juun Illaa hadda iney dhaceen, dil farabadanna uu ka dhacay, Hoobiyaalna lagu soo weeraray.

Waxa uu hadlakiisa kusoo gabagabeeyay “Mudanayaal ma jirto saansaan ammaan oo lagu gaari karo bisha Agosto, yaanan been isku sheegin, mana sugi karno Agosto si uu isbedel uga dhasho dalkan nafba nama gaarsiineyso, waxaan soo jeedin lahaa, anagoon meelo soke ku laablaabanin, si waddanka loo badbaadiyo in doorashadii madaxnimada waddanka lasoo hormariyo muddo afar bilood ah, taasna aan maanta u saarno guddigii qaban qaabin lahaa docomentigii lagu howlgali lahaa iyo shuruucdii lagu diyaar garoobi lahaa, haddaan isleenahay waad carari kartaan, dadbadan oo aan carari Karin ayaa nagu jiifto, hawsho taliye la ciqaabo iyo wasiir loo yeero wey ka weynaatay”.

Goobjoog News