U bood dhigaalka

Xildhibaan Goodax: Siyaasadda Soomaaliya Si Khaldan ayaa  Xamar Looga Shaqeeyaa

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalintii shalay isaga iyo wafti xildhibaanno ah oo uu hogaaminayaa ay gaareen magaalada Baladweyne ayaa sheegay in ay halkaa u tageen garab istaagga odoyaasha dhaqanka ee gobolka marxaladdan siyaasadeed ee hadda ka taagan gobolka.

Xildhibaanka ayaa tilmamay in dhaqanka Hiiraan ay la tacaalayaan marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah :

“Aad ayaan ugu faraxsan nahay inaan dadkii aan ka dhalanay iyo dalkii aan ku dhalanay joogno, waliba wakhti xasaasi ah howlo badan oo siyaasadeed aad u karkaraayaan, waxaa ka socda waddanka ayaa gobolka Hiiraan iyo dadkiisu wax ku leeyihiin si kasta oo loogu tacadiyo, waa dad nool waa dad waxgal ah, waa dad waddanka taariikh weyn ku leh, markaa in waxa socdo aan ka qeybgalno xildhibaanadii anagoo ah kaalinteenana aan ka qaadanno, dulmiga Xamar laga maleegayana aan umaddii Soomaaliyeed la kaashanno”.

“Waxaad moodaa in siyaasadda Soomaaliya ee magaalada Xamar si khaldan looga shaqeeyo, magaalada Baladweynana ay hadda u muuqato mid dhaqanka hadda joogaa kii dowlad gurrucan ka xoreyn lahaa waddanka, kaas ayaan anagu taageraynaa”, waana sida uu hadalka u dhigay.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa jooga Afar ugaas oo ka tirsan dhaqanka gobolka oo ka biyo diiddan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha-dhexe oo ay hormuud ka tahay xukuumadda federaalka Soomaaliya, iyagoo doonaya in maamul u sameynta laga hormariyo dib u heshiisiin, loona madax banaaneeyo dhaqanka maamul u sameynta labada gobol.

Goobjoog News