U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Axmed Cawad Cashara “Burburka Dalka Waxaa Looga Bixi Karaa Ciidan Qaran Oo La Dhiso”

Sheeko:Dalka

Axmed Cawad Cashara oo ka mid ah xildhibaanadii hore ee baarlamaankii KMG ahaa oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabdan xaaladda dalka iyo sida dalka uu noqon karo mid amni ah.

Waxa uu ugu horeen sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka ay ku fashilmeen howlgalkii ay dalka ka hayeen.

Muddo 9 sano ah ayuu tilmaamay in dalka ay joogaan ciidanka AMISOM, islamarkaana weli aanay muuqan natiijo wanaagsan oo ku aadan xasilinta Soomaaliya.

Ciidamada Soomaaliyeed ayuu xildhibaanku sheegay in weli ay yihiin kuwo aan la dhisin, islamarkaana caqabadda ugu weyn ee dalka haysata ay tahay ciidamadii dalka oo aan loo diyaarin sidii la rabay, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in burburka dalka looga bixi karo ciidan qaran oo la dhiso.

Guud ahaan umadda Soomaaliyeed ayuu sheegay mudanaha inay yihiin kuwo aan isku kalsooneen, islamarkaana kala qeybsanaantooda ay keentay in dalka uu sii burburo, sidaa darteedna looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed in ay gacanta is qabsadaan oo ay midoobaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale Cashara ayaa mar uu ka hadlay arrinta ku aadan qaraxii ka dhex dhacay diyaaraddii daallo ayuu sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay degdeg cadaaladda ku horkeento cid walba oo falkaasi ku lug leh.

Ulajeedka weerarkaasi laga lahaa ayuu ku sheegay in caalamka la tuso in Soomaaliya aanu weli amni ka jirin, islamarkaana aysan macquul ahayn inay kusoo degaan diyaarado caalami ah.

Goobjoog News