U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Cali Seeko oo ka warbixiyay War-murtiyeed Ka Soo Baxay Madasha Badbaada Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan hore Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay war-murtiyeed ay shalay kasoo saareen magaalada Muqdisho kaas oo ay uga hadaleeyn, sidey sheegeen, Badbaadada Galmudug iyo arrimaha doorashooyinka ee 2016.

Siyaasi Cali Seeko ayaa ugu horreyn waxa uu ka warbixiyay madasha badbaadada Galmudug  war-murtiyeedka ay soo saareen, waxa uu salka ku hayo:

“Madashu waxay ahayd madasha badbaadada Galmudug, maadaama ay Galmudug duntay oo ay fashilantay, dadkii shalay gacmaha is haystay ee la nabadeeyay ay maanta dib isku dilayaan, in calamo laga kala taagay degmooyinkii Galguduud, calankii Galmudugna maanta uusan dhuusamareebna tagi Karin, Caabudwaaqna tagi Karin, ayaa waxaan niri Galmudug ha la badbaadiyo”.

“Dadka indheergaradka ah, ugaasyada leh, haweenka leh, dhalinyarada leh, dhulkaa dadka u dhashay ayaan u jeedinay iney Galmdug badbaadiyaan,  iney bal soo toosiyaan isku dayaan, haddii sida ay tahay lagu toosin karinna in isbedal laga abuuro, meesha nidaam ayaa ka dhisan, baarlamaan bay leedahay madaxweynaha maanta joogana baarlamaan baa doortay, baarlamaanku inuu badbaadiyo isagana waan u jeedinay, intaas ayuu ahaa war-murtiyeedkeennu ee wax xumaan ah iyo wax qof lagu eryanayaa kuma jirin”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaan hore Cali, waxa uu farta ku fiiqay in madaxweynaha Galmudug uu ol’ole ugu jiro Madaxweyne Xasan Sheekh sidii uu markale ugu soo laaban lahaa xukunka, sidaa darteedna aan lagu aamini Karin soo xulidda xildhibaanada Galmudug, waxa uuna beesha caalamaamka iyo Soomaalida inteeda kalaba ugu baaqay in arrinkaa laga fiirsado.

Madaxda sare ee dowaldda ayuu ugu baaqay iney qalinka ay qaranka u hayaan ay iska dhigaan, maadaama ay hadda musharaxnimadoodu ay banaanka taallo:

“Midda kale oo aan jeedinay waxa weeye dowaldda federaalka ah , Xasan Sheekh maadaama uu musharax yahay, Cabdirashiid Cali Sharmaarke maadaama uu musharax yahay, kulligood iney musharxiinta Soomaaliyeed ka mid noqdaan, qalinkana ay iska dhigaan ay qaranka u hayaan, hadaad musharax noqoto, qarankaan maamulayaa oo doorasho ku galayaa oo aan dadka ku xukumayaa isma qaataan cadaaladna maaha doorashana laguma yaqaanno”.

Madasha badbaadada Galmudug ayaa maalintii shalay waxay magaalada Muqdisho kasoo saareen war-murtiyeed ka kooban 7 qodob oo ay ku dhaliileen dowalad goboleedka Galmudug kana hadleen doorashada dalka ee la filayo dabayaaqada sanadkan 2016.

Goobjoog News