U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Ibraahim Saalax “Waan Ka Xumahay In Golaha Shacabka Uu Buriyo Go’aankii Maxkamadda Sare”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan hore Ibraahim Saalax Deyfullaahi oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa wax laga xukmaado ku sheegay in xildhibaannada golaha shacabka ah ay laalaan go’aankii maxkamadda sare ee ku aadanaa in lagu laabto doorasho Sideed kursi oo golahaasi kamid ah.

Waxa uu sheegay in maxkamadda sare ay u madax bannaantahay shaqadeeda, islamarkaana golaha shacabka ay qabtaan oo kaliya shaqadooda.

Guddoonka baarlamaanka federaalka ayuu ugu baaqay inay qabtaan doorashada 8 kursi ee maxkamadda sare ay sheegtay in dib loogu laabto maadaama maxkamadda ay awood u leedahay iney soo saarto go’aannada sidaasi oo kale ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wax aan la yaabno ayeey ahayd markii aan maqalnay in baarlamaankii sharciga ahaa ee aqoonyahannada ka buuxeen inuu diido go’aankii maxkamadda sare ee dalka, waxaan u maleynayey in cadaaladda aan heli doonno, waxaan u rajeyneynaa in madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo balan ku qaaday la dagaalanka Musuqa ay arrintaan ka bilaabi doonaan” ayuu yiri Dayfullah.

Golaha shacabka ayaa shalay ansixiyay qaraar ka dhan ah g’aankii maxkamadda sare ee dalka ay gaartay May 16, 2017-ka kaas oo ahaa in lagu celiyo  doorashada 8 kursi oo lagu muran sanaa.

Kuraasta muranka uu ka jiro:

  1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir
  2. Maxamed Saciid Cabdullahi
  3. Maxamed Axmed Abdtidoon
  4. Nadif Aadan Isaaq
  5. Muna Khalif Sheekh Abu
  6. Cabdicasis Salax Carmaan
  7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
  8. Samra Ibrahim Cumar

Goobjoog News