U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Mohamed Isaaq Huseen (Afaraale oo Geeriyooday

Sheeko:Amniga

Allah unaxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Hore Mohamed Isaaq Huseen (Afaraale), marxuumka ayaa muddooyinkii dambe la jiifay xanuun soo wajahay, isaga oo ugu dambeyn maanta geeriyooday.

Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho ayuu muddooyinkii dambe ku jiray marxuumka, Afaraale, ayaa waxaa uu kasoo mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee dowladdii kumeel gaarka aheyd, waxaana laga soo doortay deegaannada Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Afaraale wuxuu ahaa shaqsiyaadkii udub dhexaadka u ahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya tan iyo burburkii kadib, sidoo kale wuxuu kamid ahaa siyaasiyiintii  aadka looga yaqaanay gudaha dalka.
Goobjoog News