U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Oo Ka Digay In Soomaalida Wax Loogu Qeybiyo Nidaamka 4.5

Sheeko:Dalka

Xasan Yuusuf Xasan oo ka mid ah xildhibaanadii hore ee baarlamaankii KMG ahaa ayaa ka digay in shacabka Soomaaliyeed wax loogu qeybiyo nidaamka 4.5 ee qabiilka ah.

Waxa uu sheegay in xilligaan Soomaaliya aanay u wanaagsaneen nidaamkaasi, mudan yahayna in qaab kale looga gubo sida degmo ama nidaam ka duwan.

Qaabka qabiilka ayuu sheegay in laga yaabo inay ku qadaan (wax ku waayaan) muwaadiniin Soomaaliyeed oo uu tilmaamay in laga yaabay nidaamyada kale in ay wax ku helaan.

Xubnaha ku shirsan magaalada Kismaayo ayuu mudanahan ugu baaqay in aysan shacabka Soomaaliyeed mar kale u doorin nidaamka qabiilka ah ee 4.5.

Xubnaha madasha Wadatashiga Qaranka ee ku shirsan magaalada Kismaayo ayaa ku kala aragti duwan hanaanka ay noqon doonto doorasho dalka ka dhacda sanadkan 2016.

Xubnaha qaar ayaa qaba aragti ah in doorashadu noqoto mid dadka lagu soo xulo qaab qabiil, halka kuwo kalena ay qabaan aragti ah qaab degmo.

Goobjoog News